Madaxweynaha Somaliland oo Xadhiga ka jaray dhisme cusub oo Dawlada Ingiriisku ay u dhistay wasarada Gaashan dhiga

 


Hargeysa (TNN) Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo) aya a maanta xadhiga ka jaray dhisme cusub oo lagu kordhiyay xarunta wasaarada Difaaca ee Jamhuuriy ada Somaliland ee Xarunteeda Magaalada Hargaysa.

Dhismahan cusub ee loo dhisay wasaarada gaashaandhiga ee uu madaxwaynuhu xadhiga ka jaray oo ka kooban laba dabaq ayaa waxaa hirgelintiisa iskana kaashaday Wasaarada gaashaandhiga iyo Difaaca qaranka Somaliland iyo Hay’ada Waxbarashada Afrika ee AET, iyada oo maaalgelisay dawlada Ingiriiska,dhismahan ayaa loogu talo galay in uu noqdo xafiisyada ay ku hawl gali doonto wasaarada Gaashaandhiga.

Munaasibadani uu madaxwaynaha Somaliland xadhiga kaga jaray dhismahani cusub waxaa ka soo qayb galay Wasiiro ka tirsan xukuumada oo uu ka mid ahaa wasiirka Gaashaandhiga iyo Difaaca Qaranka Axmed X.Cali Caddami, Chief of cabinet-ka Madaxtooyada Xirsi X.Cali Xasan, Wasiirka Wasaarada Duulista iyo Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi,Wasiirka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada Ilhaan Maxamed Jamac ,Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha Deegaanka iyo Hor u marinta reer Miyiga Dr.Cabdi Aw Daahir,Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Dr.Axmed Xaashi Oday ,Wasiirka ganacsiga,Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Col.Nuux Ismaaciil taani,taliyaha Ciidanka Booliska Gen.Cilmi Kabaal iyo Taliayha Ciidanka baddaha iyo saraakiil kale.

Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (siilaanyo) oo ka dib markii uu xadhiga ka jaray dhismahani cusub hadal kooban halkaasi ka jeediyay ayaa sheegay in dhismahani cusub uu yahay mid kor u qaadaya magaca iyo sharafta Wasaarada gaashaandhiga iyo ta qarankaba waxaanu yidhi “dhismahan cusub ee aan maanta halkan idiinku imid ee quruxda badan leh oo ah mid aad iyo aad u wanagsan,waa mid kor u qaadaya magaca wasaarada difaaca iyo ka qarankaba,Wasiirka Gaashaandhiga,shaqaalaha wasaaradiisa iyo ciidamada qarankaba waan ugu hambalyaynayaa guushaasi ay gaadheen,waanan uga mahad celinayaa xilka ay qaranka u hayaan sida qiimaha iyo sharafta lehna ay u qabtaan”.ayuu yidhi madaxwayne siilaanyo.

Wasiirka Wasaarada gaashaandhiga iyo difaaca Qaranka Axmed X.Cali Caddami oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay wax lagu farxo tahay dhismahan cusub ee loo dhisay wasaarada Difaaca marka loo eego dhismihii ay markii hore ku jirtay, kaasi oo ahaa dhisme gaboobay ama duugoobay,isla markaana uu bilic iyo tayo ahaanba ka wanagsan yahay kan cusub ee loo dhisay, isaga oo sheegay in markii ay ku jireen dhimihii hore oo aha mid gaboobay ay ka baqanayeen in uu ku dumo.
Waxaa kale oo uu Wasiirku si wayn ugu mahad naqay dawladihii gacanta ka gaystay dhismahan cusub.

Waxa kale oo isaguna hadla kooban ka jeediyey madaashaasi madaxa hay’addaha waxbarashada Afrika ee AET Mr Xasan Axmed Ibraahim (Xasan Embassy), waxaanu wasaaradda gaashaandhiga ku bogaadiyey dhismaha cusub ee ay dhisatay, isaga oo tilmaamay iuu wasaaradda difaaca Somaliland uu la shaqaynayay muddo 15 sanadood ah balse intaas oo dhan aanu mar kaliya arag dhisme noocan oo kale oo wasaaradu dhisatay “Waxa farxad ii ah in dhisme cusub loo dhisay wasaaradda gaashaandhiga, waxaanan jeclahay in aan halkan uga mahadceliyo wasiirka gaashaandhiga iyo waliba shaqaalihiisa oo inta badan fududeeyay” ayuu yidhi Mr Embassy, waxaanu intaa ku daray “Muddo 15 sano ah oo aan la shaqayanayay waa markii ugu horeysay ee wasaaradda gaashaandhigu dhisme sidan u qurux badan dhisato”

 

Source:Waaheen