Madaxweynaha Somaliland oo Wasiir-ku-xigeen Cusub u Magacaabay Wasaaradda Dhal inyarada iyo Ciyaaraha




Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Som aliland, Mudane, Daahir Rayaale Kaahin waxa maanta uu u magacaabay  W asiir ku xigeen cusub Wasaaradda Dhalinyarada iyo ciyaaraha JSL.


Madaxweynuhu isaga oo tix-gelinaya ahmiyada weyn ee Wasaarada  Dhali nyarada iyo Ciyaaruhu u leedahay dhismaha qaranka iyo dalkaba, isla  ma rkaana isagoo madaxweynuhu aqoonsan baahida weyn ee loo qabo, buu xinta jagada wasiir ku xigeenka wasaaaradaas, waxa uu u magacaabay  m udane Cabdi Yuusuf Aadan in uu ahaado wasiir ku xigeenka wasaaradaas, laga bilaabo maanta 25/10/09.

Waxana uu madaxweynuhu ku amray Mudane Cabdi Yuusuf Aadan oo uu ku qancay kartidiisa aqooneed, in uu xilka loo igmaday ee wasaaradaas uu si karti leh uga soo bixi doono, isla markaana uu sida ugu dhakhsaha badan ula wareego xilkaa cusub ee loo magacaabay.
 

 


Allaa Mahad Leh

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenak madaxtooyadda JSL