Madaxweynaha Somaliland Oo Washington kulan kula la yeeshay Madaxda Ha’yada USAID
 

 


Dhanka kalena, sida uu sheegay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Ambasador, Mr. Rashiid Gaaruf......


Washington-DC (TNN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo weftigiisa oo ku guda jira socdaalkooda dalka Maraykanka ayaa Maanta magaalada Washint on kulan kula yeeshay Madaxda hay’ada qaabilsan Kaalmada Maraykanka ee USAID.

Kulankaas ayaa weftiga Madaxweynaha iyo saraakiisha sare ee hay’ada USAID waxay kaga wa da hadleen, kaalmada dalka Maraykanka ee Somaliland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa.

Madaxda Hay’adda USAID ayaa waxay kulankaas ka sheegeen, in kaalmada sanadkan ay u qors heeyeen Somaliland ay ka badnaan-doonto tii sanadkii hore, isla markaana aanay wax saamayn ah ku yeelan doonin wada shaqayntoodu aqoonsiga Maraykanku siiyey dawlada Somaliya.

Dhanka kalena, sida uu sheegay safiirka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Ambasador, Mr. Rashiid Gaaruf, waxa madaxweynaha iyo weftigiisu maalinta Berri ah kulamo la yeelan doo naan Xil-dhibaano ka tirsan Baarlamaanka dalka Maraykanka,sidoo kalena waxay la kulmi doona an madax ka tirsan wasaarada arrimaha dibada ee dalka maraykanka.

Waxa kale oo madaxweynaha iyo waftigiisu ay kulamo la qaadan doonaan shirkado danaynaya maal gashiga dalka Somaliland.

Weftiga Madaxweynaha waxa socdaalkiisa Maraykanka ku weheliya Wasiirrada Arrimaha dibada, Madaxtooyadda, Qorshaynta, Macdanta iyo biyaha, Wasiirul dawlaha Maaliyadda iyo marwada koowaad ee Somaliland.
 

 


Timacade News Desk
Washington-DC,USA