Madaxweynaha Somaliland Oo Tacsi u diray qoyskii uu ka geeriyooday
Xildhibaan Aadan Sanweyne

Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed
Maxamuud (Siilaanyo) wax a uu tacsi Tiiraanyo leh u dirayaa Golaha
Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Gu ud ahaan Shacbiga
Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariisteeMARXUUM, XILDHIBAA N
AADAN SHIRE FAARAX (SANWEYNE), oo ka mid ahaa Golaha Guurtida JSL,
oo shalay ku g eeriyooday Shil ka dhashay daad qaaday gaadhigii uu
saarnaa oo uu dooxa Lafa-ruug la te gay kaasi oo u dhexeeya Berbera
iyo Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumkaasi ku sifeeyey oday qaran oo ka baxay
bulshada Som aliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu
ka soo qaatay dib u heshiisintii iyo dib u dhiskii qaranka
Somaliland.
Sidoo kale madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa intii
ku geeriyootay shilka asi ee la saarnayd gaadhiga xildhibaankaasi
geeriyooday.
Madaxweynhu waxa uu Marxuumka iyo intii la socotayba illaahay uga
baryayaa inuu Naxar iistii Janno ka waraabiyo.
waxa kale oo madaxweynuhu uu intii ku dhaawacan tahay shilkaasi alle
uga baryayaa inuu ka shaafiyo dhaawacaasi, sidoo kalena Golaha
Guurtida JSL, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga
Somaliland-na Samir iyo iimaan uu ka siiyo Marxuumka.
IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|