Madaxweynaha Somaliland oo soo saaray Baaq qaylo dhaanta Abaareed ee Somaliland ka jirta loogu Gurmanayo

 

 



Waxa la xaqiijinayaa inay xoolihii badankoodu baxeen, dadka nafaqo daro iyo macaluu uli hayso, in badana barakacday


Hargeysa (TNN)-Homaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo ayaa manta soo saar ay baaq qaylo dhaan ah oo uu Hay’adaha Caalamiga ah iyo kuwa Wadaniga ahba kaga dalbanayo in si dhakhso ah loogu Gurmado Deegaanada ay Abaartu ka taagan tahay ee Gobolad Salal, Awdal, Saaxil iyo Sanaag.

“Sidii la odorosay sanadkan horaantiisii roobkii gu’ga da’ay wuu ka yaraa guud ahaan intii la heli jiray xiliga guga. wuxuu ahaa teel teel aan sinayn, meelo si wanaagsanbuu uga da’ay meelo wuu ku yaraa meelana maba helin, meelaha ugu daran ee roobku seegay waxa ka mid jiida xeebaha gobolada Awdal, Salal, Saaxil iyo Sanaag oo seddex sano oo isku xiga roob ka di’in.

Warbixinaha naga soo gaadhaya Maamulada deegaanadaasi, dadweynaha, hayaddaha samafalka iyo wasaaraduhuba waxay tilmaamayaan in deegaanadaasi ku suganyanyihiin xaalad aad u adag oo ay ka taagantahay abaar ba’an, xaaluf, biyo la,aan, iyo cunto yari.

Waxa la xaqiijinayaa inay xoolihii badankoodu baxeen, dadka nafaqo daro iyo macaluuuli hayso, in badana barakacday oo ay ku soo urureen tuulooyinka deegaanadaasi sida, Garbo dadar, Gargaara, Waraqa dhigta, Calixaydh, Ceel la helay, Fadhi xun, Ceelgaal, Fiqi aadan, Geerisa, Bulaxaar, xagal, Berbera, Beeyo dhaadheer, Raarida buur, Laasdhuure iyo tuulooyinka Huluul xaga xeebta ka xiga

Dadka ay abaartu saamaysay waxa lagu qiyaasay inay gaadhayaan ilaa 20,000 (labaatan kun) oo qoys, Dadkaasi waxay u baahanyihiin gurmad degdeg ah oo iskugu jira cunto, biyo, daawo iyo hoyba, haddii aan si degdeg ah loogu gurmana waxa jirta cabsi in badani gaar ahaan dadka jilicsan, sida caruurta iyo waayeelku u dhintaan gaajo iyo haraad.

Sidaa darteed waxaan ugu baaqaynayaa, Haayadaha Qaramada midoobay, Haayadaha samafalka ee caalamiga ah, Haayadaha wadaniga ah iyo dhamaan shacabka reer somalilandba inay si degdeg ah ugu gurmadaan dadka ku tabaalaysan deegaanada ay abaarta iyo biyo la’aantu saameeyeen” Ayuu Ku Yidhi Madaxweynaha Somaliland Baaqaasi uu ka soo saaray xafiiskiisa



Timacade News Desk
Hargeysa Somaliland