Madaxweynaha Somaliland Oo Shacabkiisa ku hambalyeeyay Munaasibada
Ciidul Fidriga
Assalamu calaykum wa raxmatullaahi wa barakatu.
Maanta waa maalin weyn oo qiima ku leh caalamka islaamka.
Munaasabadda ciid-al-fidriga waxaan hambalyo iyo boogaadin u dirayaa
dhammaan ummadah a islaamka meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan
waxaan munaasibaddan hambalyo iyo boog aadin u dirayaa shacbiga
Somaliland oo aan Ilaahay uga baryayo in uu soonka iyo cibaadadii
bisha Ramadaan inaga aqbalo, sannadkan sannadkiisana innagu
gaadhsiiyo nabad, bash-bash iyo barwaaqo, inta bugtana ka dul qaado
xanuunka.
Beesha caalamka iyo cid kasta oo awood u leh in ay kaalmo ka geysato
waxaanu ugu baaqa yna in ay gurmad la soo gaadhaan dadka ay abaaruhu
saameeyeen ee ay xoolihii ka baxeen ee reer Somaliland oo aad u
tabaalaysan. Iyagana Ilaahay waxaanu uga baryayna inuu ciwad khayr
qaba ugu soo badalo.
Sida aynu ka warqabno dalkeena oo kaliye maaha, balse, Geeska Afrika
waxaa jirta abaar xun oo si weyn u saamaysay dad badan oo ay
qaarkood ka barakaceen guryahoodii, sida dalka aynu walaalaha iyo
deriskaba nahay ee Soomaalya, ilaahayna waxaanu uga baryayna in uu
ka dul qaado abaarta.
Ugu dambayn, waxaan idiin leeyahay Ciid Mubaarak, Kullu Caam wa
antum bilkhayr.
Hambalyo.. Hambalyo..Hambalyo.
Cabdillaahi Maxamed Daahir ( Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|