Madaxweynaha Somaliland Oo Marti-qaad balaadhan Madaxtooyada ugu sameeyay qurbo-jooga dalka ku sugan

 


“Waxaan idin leeyahay ku soo dhawaada dalkiinii aad inta badan u soo halganteen”


Hargeysa (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa caawa qurba-jooga Somaliland ee ka kala yimi daafaha dunida ugu sameeyey xarunta madaxtooyada martiqaad ballaadhan oo isugu jira casho-sharaf iyo soo dhawayn.

Xaflad balaadhan oo qurba-jooga Somaliland lagu soo dhaynayey, ayaa waxa ka soo qayb galay madaxweyn aha Somaliland, madaxweyne-ku-xigeenka, guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada, Guddoomiya ha Xisbiga KULMIYE, masuuliyiin ka tirsan xukuumadda, Golaha Guurtida iyo boqollaal ka mid ah qurba-jooga Somaliland oo ka kala yimi waddamo kala duwan oo dunida ah.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo oo furitaankii xafladda ka hadlay, ayaa si diiran u soo dhaw eeyey qurba-jooga Somaliland, isaga oo ka waramay doorkay ku leeyihiin horumarka dalka iyo marxaladihi ha lgan ee loo soo maray goonni-isu-taaga Somaliland, waxaannu yidhi “Waxaan salaan kal iyo laab ah u soo jee dinayaa dadweynaha ka soo qaybgalay, qurba-jooga reer Somaliland iyo martisharafta kale ee madaxda leh ee ka soo qaybgashay.Qurba-jooga Somaliland waa dad aynu wada qirayno oo ognahay waxa xiisaha qarank ooda ay u yimaadeen jacaylka ay waddankooda u qabaan, karaamaday dalkooda iyo dadkooda u leeyihiin.

Waxaan aad u xasuustaa waqtigii halganka dheer lagu jiray ee Somaliland xornimadeeda u dagaalamaysay m eesha talada, arrinka iyo xoogguba ka imaanayey amma lagu soo aasaasayey ururka SNM waxa uu ahaa wad damada ay qurba-joogeenu ku dhaqan yihiin, waxay ahaayeen dadweynaha ka ciyaarayey doorka muhiimka ah ee halganka, hadday tahay xorriyada iyo nabadda, mar walba door laxaad leh oo muuqda oo la qiimayn k aro oo aan u booggaadinaayo ayey marwalba ku lahaayeen qurba-joogu. Waxa kale oo qurba-joogu gacan weyn ku lahaayeen dhismaha dalka iyo horumarintiisa.”

Waxa uu Md. Madaxweyne Axmed Siilaanyo ugu baaqay qurba-jooga inay sii laban laabaan dedaalka ay dalk ooda horumarkiisa ugu jiraan. Waxa kale oo uu xusay madaxweynuhu wac-darahay qurba-joogu ka sameey een meelkasa oo ay joogeen oo ku muujinaayeen qadiyadda madaxbannaanida Somaliland.
“Waxa loo baahan yahay waxa weeye in hawshaas la sii laban laabo, waynu ognahay inay qurba-joogu maga alooyin badan, tuulooyin badan iyo gobollada fog fog mid walba halkii ka yimi ay dhisayaan meelihii caafimaa dka, dugsiyadii, waxaynu ognahay inay Barlamaanada iyo dunida ay la joogaan qadiyada Somaliland ka muuji yaan, waxa lama iloobaan ah 20 guuradii 18-ka ee ka soo wareegtay goonni-isu-taaga Somaliland doorkay ka qaateen meel kasta oo ay joogaan,”ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

“Waxaannu idin leenahay aad iyo aad baannu idinku soo dhawaynaynaa, waddanku waa dalkiinii, dawladdu waa tiinii, qaranku waa qarankiinii, waa tii aad u soo halgamayseen,”ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Waxa uu madaxweynuhu ku guubaabiyey qurba-jooga Somaliland inay carruurtooda ku barbaariyaan wadda nkooda iyo nabadgelyadiisa, isla markaana ay ka ilaaliyaan waxyaabaha nabadgelyo darrada ah ee ka dhacaya mandaqadda.


“Nabadgelyada oo ah aynu ku caan-baxnay oo aynu ognahay doorkaynu ku leenahay, waxaan jecelahay dha llinyarada iyo meeshay joogaanba lagu abuuro oo had iyo goor ka warqabaan dareenada iyo mandaqadaynu ku nool nahay warkeeda oo dadka waaweyn ee xilkasta ahi ku guubaabiyaan dhallinyarada waddaniyada, dh aqanka iyo diinta jacaylkeeda,” ayuu yidhi Md. Siilaanyo.

Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE Mr. Muuse Biixi Cilmi oo halkaas ka hadlay, ayaa hadalo soo dh awayn ah halkaas uga soo jeediyey qurba-jooga, isaga oo ugu baaqay in ay waddankoda qurxintiisa iyo horu marintiisa dhinaca aqoonta ku dedaalaan oo xil iska saraan.


“Wixii hore aad soo qabateen waannu idinku mahad-naqaynaa, waananu idinku hambalyeynaynaa, waqtigan waxa jira oo qoladan qurba joogahi ii sheegeen in hoygu macaan yahay, haddii aad doonaysaan hoyga aad ku soo noqonaysaa ee carruurtiinu ku soo noqonayso qurxintiisu idinkuu idiin yaalaa, waxaannu doonaynaa inaad hormood u noqotaan kumanaan injineer, boqollaal dhakhtar iyo intaas oo aqoonyahan oo aad fursad u hesheen intaaba inaad barataan inaad dalkiina ku soo kordhisaan inaad isku qabaysaan oo xilkaa qadaan,” ayuu yidhi Mr.Muuse Biixi Cabdi.


Guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ee Golaha Wakiillada Md. Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa isagu waxa uu i ftiimiyey doorkii ay qurba-joogu ka qaateen guushii xisbiga KULMIYE ka so hooyey doorashadii madaxtooyada ee 26 June 2010 dhacday, isaga oo sidoo sheegay inay door muhiim ah ka qaateen dib-u-dhiska dalka, waxaa nnu yidhi; “Waa dadkii dib-u-dhiska iyo dib-u-xorraynta dalka qaybta weyn ka qaatay, waa dadkii isbeddelkii dalka ka dhacay laf-dhabarta ka ahaa. Waad mudan tihiin in madaxweynuhu xafladan caawa idiin sameeyo.”
Mr. Saleebaan Maxamed oo ah Guddoomiyaha Wakaallada Qurba-jooga ah, ayaa uga mahad-celiyey madaxw eynaha xafadan ballaadhan ee uu ku shafray.

“Waxa farxad noo ah aniga oo ku hadlaya afka qurba-jooga Somaliland intii duruuftu ay u samaaxday inay d alkooda dib ugu soo noqdaan aad iyo aadbay noo farxad gelinaysaa,” ayuu yidhi Mr. Saleebaan Maxamed.
Mr. Cabdixakiim Maxamed Sheekh oo ka mid ah qurba-jooga Somaliland, ayaa halkaas ku soo bandhigay filim dokumatari ah oo si mug leh uga warramaya waxqabadkii xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo muddadii ay jirtay, kaas oo ay ka soo ururiyeen gobollada iyo degmooyinka dalka, isla markaana tabanaayey dhinac wal oo horumarka dalku gaadhay ah.

Abwaaniinta waaweyn ee dalka Xasan Xaaji Cabdillaahi (Xasan Ganey), Abwaan Dacar iyo fannaaniintii kale ee waaweyn ayaa caawa ku soo bandhigay bandhig faneed aad loo jeclaystay.


Source: Somaliland.Org