Madaxweynaha Somaliland oo Maanta Qaabilay Wefdi Ka Socda Hay’adda UNDP

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin , waxa uu maanta xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wefdi ka tirsan hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Mashaariicda horumarinta ee loo yaqaano UNDP iyo Baanka Adduunka.

Wefdigaasi oo uu hogaaminayo Mr Mark Bowden oo ah Madaxa xafiiska UNDP ee Magaalada Nayroobi, waxa ay booqasho gaaban ku yimaadeen Somaliland, taas oo la xidhiidha kulamadii dhawaan ay isku dhaafsadeen dalka Kenya iyaga iyo wefdi wasiiro ah oo ka tirsan xukuumada Somaliland.
Madaxweynaha oo hadal kooban u jeediyay wefdigaasi , waxa uu ugu mahad naqay booqashada ay ku yimaadeen Somaliland, waxa kale oo uu Madaxweynuhu uga waray wefdigaasi tallaabooyinkii xukuumada Somaliland ay ka qaaday adkaynta Nabad gelyada tan iyo intii ka dambaysay qaraxii argagaxisada ee ka dhacay Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu isaga oo ka hadlaya hawsha diiwaan gelinta waxa uu yidhi “Waxa aan ku guulaysanay in aanu si nabad gelyo ah u soo afjarno diiwaan gelintii , taas oo wax weyn ka tari doonta in ay noo qabsoomaan doorashooyin xor ah oo xalaal ah bisha March 29-keeda”.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu soo qaaday in Somaliland ay saddex jeer gacanta ku dhigtay budhcad badeed isku dayday in ay xeebaheeda maraakiib ka afduubto, waxana uu intaasi raaciyay in ay hadda xukuumadiisu ku guddo jirto in ay diyaariso xeerkii budhcad badeeda lagu qaadi lahaa oo dhawaan loo gudbin doono golayaasha sharci dejinta.

Gabo gabadii waxa Madaxweynuhu wefdiga ka codsaday in ay gaadhsiiyaan Madaxdooda in Somaliland u qalanto caalamku in uu ku abaal mariyo waxa ay qabsatay, iyada oo kaligeed isku tashatay, wax kaalmo ahna aanay ka helin deeq bixiyayaasha caalamka.

Mr Mark Bowden oo isna magaca wefdiga ku hadlayay waxa uu sheegay in uu ku faraxsan yahay tallaabooyinka xukuumada Somaliland ay ka qaaday iyo isbedelka dhinaca Nabad gelyada intii ka dambaysay qaraxyadii argagaxisadu ka fulisay dalka 29-kii October, waxana uu sheegay in uu arrintaasi u gudbin doono madaxdooda Newyork.

Mr Mark Bowden waxa kale oo uu cadeeyay in ay soo kordhin doonaan shaqaalahoodii ka hawl galayay mashaariicda ay ka fulinayaan Somaliland, isla markaana xafiiskoodii ay furi doonaan sida ugu dhakhsaha badan. Waxa kale oo wefdigu ay sheegeen in laanta Qaramada Midoobay u qaabilsan dhinaca Cuntada ee loo yaqaano WFP ay qorshaynayso in ay dekeda Berbera ka soo dajiso cuntooyinka loogu tallo galay Somaliland iyo Itoobiyaba

Kulankaasi waxa kale oo goob joog ka ahaa Wasiirada Qorshaynta Qaranka Mudane Cali Ibraahim “Cali Sanyare”, Arrimaha Gudaha Mudane C/laahi Ismaaciil Cirro iyo Madax ka tirsan xafiiska UNDP ee Hargeysa



Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada JSL