Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabiley Wefti Ballaadhan Oo Ka Socday
Dalka Qadar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa
uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti ballaadhan oo safar shaqo ku
yimi dalka Somaliland, kana socday dalka Qadar oo uu hoggaaminayo
Ergayga gaarka ah ee wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Qadar, Dr.
Mutlaq bin Majed Al-Qahtani.
Ugu horrayna madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa warbixin
dheer ka siiyey weftiga xaaladda guud ee dalku marayo maanta iyo
halkii laga soo ambo qaaday geeddiga Dimuquraaddiyadda muddo Soddon
sanno ah, waxaanu madaxweynuhu weftiga ka guddoomay salaan ay uga
sideen madaxda dalka Qadar.
Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay in labada waddan ay yeeshaan
xidhiidh wanaagsan oo walaalnimo iyo iskaashi wada shaqayneed iyo in
dalka Qadar halkan (Somaliland) ku yeesho xafiis Diblumaasiyadeed oo
rasmi ah.
Sidoo kale, waxa laga wada hadlay sidii hay’adda Qadar u qaabilsan
mucaawimooyinka ee (Qadar Charity) ay xafiis uga furan lahayd
Jamhuuriyadda Somaliland, loona xoojin lahaa xidhiidh wada
shaqayneed oo dhinaca mucaawimooyinka ah iyo samafalka ah.
Waxaanu kulankaasi ku soo dhamaaday is-afgarad buuxa iyo in halkaa
laga ambo qaado xidhiidh wada shaqayneed oo labada dal yeeshaan.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
|