Madaxweynaha Somaliland Oo Qaabilay Wefti Ka Socday Baanka
Horumarinta Islaamka
Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha
Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta
xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda Baanka horumarinta islaamka
oo booqasho ku joogay dalka afartii maalmood ee la soo dhaafay.
Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo kulankaasi ka
hadlay ayaa ku bogaad iyay weftiga ka socda baanka horumarinta
islaamka booqashadooda Somaliland iyo mashaar iic horumarineed oo ay
ka wadaan dalka, sida uu sheegay afhayeenka madaxtooyadda Axmed
Saleebaan Dhuxul oo kulankaas ka dib saxaafadda la hadlay.
Afhayeenku waxa uu sheegay in weftigani ay sheegeen inay dalka ka
wadaan mashaariic ay ku horumarinayaan cisbitaalka guud ee Hargeysa,
xarunta agoomaha Caasimadda iyo xarunta agoomaha magalaadda Gabiley.
Mr. Dhuxul waxa intaasi ku daray madaxweynaha iyo weftigani isku
waafaqeen in Somaliland iyo baanka horumarinta islaamku sii
kordhiyaan wax wada qabsigooda.
Kulankan waxa madaxweyne Axmed Siilaanyo ku wehelinayay Madaxweyne
Ku xigeenka Soma liland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici),
Wasiirrada Arrimaha dibadda, Maaliyadda iyo masuuliyiin kale.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|