Madaxweynaha Somaliland Oo Munaasibada Ciidul Fidriga Aw geed Dhambaal Hambalyo ah udirey Shacabka Somaliland

 


Shir jaraaid oo uu maanta madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed maxamuud{Siilaanyo}.......



Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Ayaa  dha mabaal hambalyo ah udirey shacabka somaliland muanasibada ciidul fidriga awgeed.

Shir jaraaid oo uu maanta madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Uu ku qabtey Qasriga madaxtooyada oo uu Ku Saxeexan yahey Afhayeenka Madaxtooyada Somalilan d  C/laahi Cukuse oo aanu nuqul kamid ah aanu helney ayaa Isaga oo faahfaahsan waxaa uu u dhign aa sidan:
 

 

 


"Asalaamu calaykum, wa-raxmatulaahi wa barakaatu, CIID Mubaarik, CIID Wanaagsan, kula  ca am wa antum bikhayr,ILAAHA WEYN baa mahad leh, waxa mahad gaar ah leh ILAAHA inagu  ga lladay nimcooyinkiisa aan la soo koobi Karin ee ay ka mid tahay soonka bisha barakaysan ee  Ra mmadaan iyo farxada CIIDA aynu ku damaashaadayno. ILAAHAY waxaan ka baryayaa inuu  san adka sanadkiisa inagu gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo, waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu acmaasheeni suubanayd ee bisha Rammadaan innaga aqbalo. Aamiin.. Aamiin.

Walaalayaal, aniga oo ka faa’iidaysanaya munaasibada CIIDA barakaysan, waxaan idiin soo  jee dinayaa inaynu dhammaanteen isa-saamaxno, saamax-naakum.

Maalintii xilkan culus la ii dhaariyey, waxa laga joogaa 43-maalmood oo keliya. xukuumadan aan madaxda ka ahayna waxay mudadaas yar xaqiijisay wax-qabad mug leh oo aan lagaga masuugi Karin;
Waxyaabaha inoo qabsoomayna waxa ugu mudan adkaynta nabadgelyada oo muhiim ahayd, ma adaama uu dalku galay marxalad kala guur ah oo ay laba maamul kala wareegeen.

Waxaanu ku guulaysanay in aanu bixino dayntii ay xukuumadii hore ka tagtay ee  mushaharooy inka shaqaalaha iyo Ciidamada oo dhawr bilood ahayd, taasoo caqabad weyn ku ahayd wax-qa badka xukuumadda ee boqolka maalmood ee ugu horeeya. Waxa xusid mudan in aanay ilaa imika mushahar iyo gunno toonna qaadan Wasiirada xukuumada cusub iyo goleyaasha Baarlamaanku, oo aanu ka fuudhyeelnay shaqaalaha iyo Ciidamada.

Waxa meel wanaagsan maraysa hawshii dhamaystirka biriishka Hargeysa ee qabyada ahaa oo aan ku kalsoonahay in boqolkan maalmood gudahooda lagaga faraxalan doono.
Sidoo kale, waxa maalmaha soo socda la bixin doonaa qandaraaska dhismaha wadadii Dilla iyo BooramaGuud ahaanna, hawlihii xukuumadda u qorshaysnaa boqolka maalmood ee u horeeya 60% waa wax gacanta lagu hayo oo socda iyo wax la fuliyey oo dhammaaday.

Walaalayaal, waxaan munaasibadan CIIDA ee farxadda leh u mahadcelinayaa wax-garadka iyo madax-dhaqameedka ka soo jeeda Gobolka SOOL ee aqbalay gogoshii nabada ee aan u fidiyey, mar labaadna waxaan ugu yeedhayaa Siyaasiyiinta iyo Madax-dhaqameedyada hadhay inay ka soo qayb galaan. Anniga oo arrinkan amba-qaadaya waxaan u saaray guddi, waxaanay  marays aa meel wanaagsan oo aan ku rajo weynahay in ay midho-dhal noqon doonto.

Waxaynu wada ognahay in ay muddadii xilka ee xildhibaanada Baarlamaanku ku buuxdo  dabay aaqada bishan aynu ku jirno.

Haddaba, si aynu u qiimayno suurtagalnimada in ay doorashadu wakhtigeedii ku dhacdo, waxa anu dhawaan isagu yeedhnay oo aanu arrintaa talo qaran ka yeelanay Hoggaamiyayaasha  Xi sbiyada (mucaarid iyo muxaafidba), Komishanka Doorashooyinka iyo Shir-guddoonada labada Golle ee Wakiillada iyo Guurtida.

Markii la rogrogay ee dhinac walba laga eegay duruufaha ku xeeran doorashooyinka  goleyaa sha.Markii la arkay in ay maalmo yari inaga xigaan doorashadii Baarlamaanka (Wakiillada iyo  Gu urtida) oo ku beegan bishan aynu ku jirno.

Markii la tix-geliyey dhaqaale xumida ay ku soo beegantay xukuumada cusubi iyo in ay qoyan tahay oo uu dalku muddo yar uun ka sokeeyey Doorashadii Madaxtooyada.

Markii la arkay qabyada ka jirta shuruucdii lagu dooran lahaa Goleyaasha, waxa lagu qancay in aanay suurtagal ahayn in ay doorashada Baarlamaanku wakhtigeedii ku dhacdo oo ay ina soo gudagashay.

Sidaa awgeed, aniga oo raacaya waajibkayga dastuuriga ah, ayaan warqad u qoray Golaha  Gu urtida aan ku war-gelinayo daruufta ku xeeran doorashooyinka Goleyaasha iyo inay  waajibko oda ka gutaan, waxaanan filaayey sidii caadada ahayd in marka ay warqadaasi gaadho ay u yeedhan doonaan dhinacyada kale ee ay arrintu khusayso ee Xisbiyada iyo Komishanka  doora shooyinka Qaranka, dabeedna ay rayigooda dhagaysan doonaan, markaa ka dibna ay go’aan ka gaadhi doonaan. Nasiib daro, arrintaas wey il-duufeen oo sidii saxa ahayd may yeeline ee waxay soo saareen go’aan muddo kordhintiisu ay aad u dheer tahay, taasoo u baahan inay dib-u-eegis ku sameeyaan. Anigu waxaan u arkaa in uu go’aankani dhaawacayo geedi-socodkii dimuqraadiyadda dalka. Sidoo kalena, waxaan ku qanacsanahay in doorashooyinkan la qaban karo wakhti ka horeeya xilliga ay u jaan-gooyeen Golaha Guurtidu. Sidaa awgeed, aniga oo mar labaad
tix-gelinaya talooyinka ay soo jeediyeen saddexda Xisbi iyo Komishanka Doorashooyinku  wax aan leeyahay Gollaha Guurtida aynu wada tashi isugu nimaadno.

Maalmahanba waxa inagu soo duul-duulayey hadal haynta furitaanka ururada siyaasadeed. Arrintaa waxaan doonayaa inaan halkan ka caddeeyo in aanu mabda’ ahaan halkii ka  taaganah ay sidii aanu horeba u balanqaadnay oo aanay waxba iska bedelin aragtidayadii ahayd in la furo Ururada Siyaasada, si waafaqsan Xeerarka dalka, fulinteeduna waxay u baahan tahay talo  qar an iyo in lagaga arrinsado.

Haddaba, muwaadiniinta degdegsanaya ee maalmahanba su’aasha qaba, waxaan leeyahay  ma wqifkeenu waakii oo wax iska bedelay ma jiraane ku qanca.

Xukuumadani iyada oo halkii ay taagnayd ka sii ambaqaadaysa, waxay ku dedaashay oo ay  xo ojinaysaa adkaynta xidhiidhka wanaagsan ee inaga dhexeeya Wadamada deriska ah ee  Ethio pia, Jabuuti iyo Kenya oo aynu wadaagno waxyaabo badan oo jiritaanka qaramadeena gobolka muhiim u ah, sida nabadgelyada iyo ganacsiga, dhawaana Insha Allaahu waxaan u baxayaa saf ar aan ku tagi doono Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya oo aan marti-qaad ka helay.

Waxaan Shacbigayga ku ammaanayaa sida ay u illaashadaan nabadooda iyo dalkooda tacabka badan ee naf iyo maalba lihi ka galay, ee mustaqbalkooda iyo ka ubadkooduba ku jiro inay  ded aalka halkaa ka sii wadaan oo feejignaadaan.

Mandaqadda aynu ka midka nahay, waxa ku xeeran duruufo nabadgelyo darro oo badan, marka a gacmaha aynu is-qabsano xukuumad iyo dadweynaba oo isu qabsano difaaca Dalkeena Hooyo."

 

 

 

 


 

Khadar Cabdi Muuse
Timacade News Desk
Hargeisa Somaliland