Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta soo saaray wareegto uu ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland.
Madaxweynuhu, isaga oo tix-raacaya qodobka 90-aad, faqradiisa 3-aad ee dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana aqoonsan baahida weyn ee loo qabo buuxinta hawsha Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi, waxa uu u magacaabay inuu jagadaasi qabto Mudane Yuusuf Maxamed Ducaale.


Waxana Madaxweynuhu isaga oo tix-gelinaya kartida , aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo waxa uu amray in uu xilkaasi sida ugu dhakhsaha badan ula wareego.

 

 

 


Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland