Madaxweynaha Somaliland Oo Maanta Ka Qaybgaley Maalin ta Naafada Aduunka Oo Ku Beegneyda Maanta

 


Halku dhiga maalintani waxa weeyaan ee caalamka laga wada qaatay caqabadaha haysta dadka naafada ah aynu ka jabino albaabadana ,Sidaas ayaa uu yidhi Guddoomiyaha Dalada Naafada ..... .Daawo sawiradan


Hargeysa (TNN):-Munaasibad balaadhan oo loo qabtay maalinta naafada aduunka ayaa maanta sidiiran looga xusay magaalada hargaysa. Munaasibada balaadhan oo loo sameeyey ayaa waxa kasoo qayb galay madaxwaynaha jamuuriyada somaliland mudan Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo xubno ka mid ah golihiisa wasiirada iyo marti sharaf kale oo badan. Ugu horen munaasib ada ayaa waxa ka hadlay guddoomiyaha Dalada guud ee naafadasomaliland Mukhtaar Cismaan Waxaana Uu Yidhi"aniga oo ku hadlaya magac guddoomiyaha naafada somaliland waxa maanta noo farxada ah iyaga oo munaasibada nagala soo qayb galay madaxdii dalka ugu sarayse uu hor kacayo madaxwaynaha somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo anaga farxada ayey noo tahay madaama waxaanu ahayn dad naafo ah oo aanay cidana hoos u eegi jirin maant a haday xukuumadii somaliland ay heegan noowada-yihiin waa maalin farxadeed.

Dhanka kale waxa uu madaxwaynaha somaliland usoo jeediyey inuu tageero dadka naafada ah waxaana uu yidhi?mudan madaxwayne dadkii dhagoolaha ahaa waxa ay ubaahanyihiin in schoolo iyo goobo ay waxa ku bartaan loo sameeyo nala hoos geeyo wasiirada waxbarashada somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaanu madaxwayne kaaga fadhinaa kaana codsanaynaa, wax qab adkii ay xukuumada siilaanyo ay noo qabatay intii ay jirtay waxa ka mid ah wasaarada shaqada iyo arimaha bulshada somaliland oo wasiirkeeda halkan inala joogo waa wasiirka ka galiya ee ku jira xukuumada intaas leeg ee noogu dhawaaqay Agaasime waaxeed iyo xafiiskiisii oo iswata.
.
Mar uu ka hadlayey deeqdan baaskiilado curyaanka ah cid soo gaadhsiisay ayaa waxa uu yidhi Guddoomiyuhu"maanta deeq aad iyo aad ubadan ayaa halkan taala oo baaskiilado curyaana ah taas oo ay qarashka lagu sameeyey ay bixiyeen madaxtooyada somaliland waana arin lagu farxo oo waliba lagu faani karo. Mar uu ka hadlay baaskiiladaha iyo mootooyinka lasiinayo curyaamiin ta ayaa waxa uu yidhi”maanta halkan waxa inoo yaala 28midh oo mootooyin ah anaga maanta waxa ay nootahay ninka naafada ah ee maanta fuula mootadaas inuu mato gaadhi seeraf ah mudane madaxwayne arintaas haday madaxtooyada somaliland ay ka timi aad iyo aad ayaanu kaaga mahad celin doonaa. uddoomiyuhu mar uu ka hadlay caqabadaha
.
hortaagan dadka naafada ah ayaa waxa uu yidhi?mudane Madaxwayne Labada Qodob ayaanu maanta halkan kaaga codsan doona,Halkudhiga maalintani waxa weeyaan ee caalamka laga wada qaatay caqabadaha haysta dadka naafada ah aynu ka jabino albaabadana aynu ka balaqno si ay uga mid noqdaan xukuumada aad gadhwadeenka ka tahay mudane siilaayo.Sidaas ayaa uu yidhi Guddoomiyaha Dalad.a Naafada Somaliland.

Waxa xafladan soo gunaanada madaxwaynaha jamuuriyada somaliland mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo Waxaana uu yidhi?waxa kuligeen farxad wayn inoo ah maanta inaan kasoo qayb-galo xuska maalinta naafada adduunka sanada kasta laga xuso caalamka,oo bulshada caa lamka u ah maalin qiimo leh oo dadkeena naafada ah wax kasta haku-nafoobeene ay maanta ta hay inaynu qiimayn wayn uhayno,dhamaanteen wayn ognahay inteena kalen waynu xasuusi do onaa waxa ay naga-gudaan iyo waxa ay naga galaan labadaba dadkeena naafada ahi,arinta waa arin inawada saran siiba dawlada saran waan arin wayn oo loo baahanyahay inaynu isgarab taagno dadkeena jilicsan.
 

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland