Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Hadlay Geerida Nelson Mandela Iyo
Taariikhdiisii
Hargaysa (TNN):- Madaxwaynaha
Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa ka hadlay
geerida madaxweynihii u horeeyay ee madaw ahaa ee dalka Koonfurta
Afrika, Nelson Mandela oo xalay ku geeriyooday magaalladda Johns
berg.
Madaxwayne Siilaanyo ayaa Nelson Mandela ku tilmaamay in uu ahaa
shaqsiyad aad u weyn oo qaaradda Afrika iyo dunidaba magac iyo
maamuus ku lehaa, isla markaana midab kala soocii ka jiray dalka
Koonfur Afrika oo dunida oo dhan saamayn ku lahaa in uu isagu samir
u yeeshay oo uu xaliyay.
Waxa kale oo uu sheegay madaxwayne Axmed Siilaanyo in Mandela uu
door aad u wayn ka qaatay is-fahamkii dadka cadaanka iyo madawga ah
ee ku wada nool dalka Koonfur Afrika iyo sidoo kale is-fahamka
caalamka,taasi oo ahayd arrinta Nelson Mandela uu tusaalaha fiican
ugu noqday.
Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Nelson Mandela
wuxuu ahaa shaqsiyad aad iyo aad u weyn, oo qaaradda Afrika iyo
dunida oo dhanba ku weyn, oo magac iyo maamuus weyn ku yeeshay ayuu
ahaa, Koonfur Afrika waxa y ahayd meel dadka midab kala sooc aad u
weyni ka jiray, taasi oo saamayn wayn ku lahayd afrika iyo caalamka
oo dhan, dadkii samirka u yeeshay ee xaliyay ee dunidu ku
maamuustay, oo uu magac ku yeeshay ee is fahamka dunida iyo si
fahamka cadaanka iyo madawga u noqday tusaalaha ayuu ahaa. Markaa
Mandela wuxuu ahaa qof lagu daydo, wuxuu ahaa nin xasuus wanaagsan
in loo yeesho mudan ah ayuu ahaa.”
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) Madaxweynaha Somaliland, oo
maanta u waramay laanta Af-soomaaliga ee idaacada BBC-da, ayaa sidoo
kale geerida Mandela ka tacsiyadeeyay qoyskiisii, eheladiisa, dalka
iyo dadka Koonfur Afrika iyo caalamkaba. “Qoyskiisa iyo
eheladiisiiba waan ka tacsiyadaynayaa, waxaanan leeyahay illaahay
samir iyo iimaan ha idinka siiyo, dalkiisa iyo caalamkaba waxaan
leenahay ninkaasi nin wayn oo caan ah oo magacaa wayn leh ayuu ahaa,
markaa xaasaskiisii iyo dalkiisa iyo dunidaba waxaan leenahay nin
qaali ah oo ka baxay ayuu ahaa, waxaanu ahaa nin aad iyo aad in
loogu daydo mudan ayuu ahaa, oo xalilla dunida oo dhan meelaha
arrimaha noocaasi oo kale ahi ka jiraan, markaa waa nin loo baahan
yahya in tusaalihiisii oo kale lagu daydo, oo mar walba la xauusto,
oo la soo qaato, oo lagu daydo u baahan ayuu ahaa” ayuu yidhi
madaxwayne Siilaanyo.
Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi “Sida aan horeba u idhi
ama afrika ha noqoto ama meel kale oo dunida ahba ha noqoto ee
tusaaleyaashiisii waa kuwa loo baahan yahay inbani’aamka oo dhami ku
daydo, oo waa waxa uu maamuuska iyo magaca dunida oo dhan ugu
yeeshay… markaa dunida oo dhan in lagu daydaa waa lagama maarmaan.
in dadka la dhaqdo, oo dunida oo dhan la isku hayo, oo quruumaha
kala duwan eek ala magaca ah, ee kala diinta ah, ee kala midabka ah,
in isku si loo wada noolaado waa wax lagama maarmaan ah, markaa
Nelson Mandela waa dadka waxyaabahaasi lagu xasuusanyo” .
Madaxwayne Siilaanyo oo la waydiiyay in muddadii aadka u dheerayd ee
uu siyaasada ku soo jiray in marna ay kulmeen Nelson Mandela ama
xuno ka tirsan xisbigiisii ANC, waxa uu ku jawaabay “Maya ee Nelson
Mandela shaqsiyan maanaan kulmin, laakiin berigii aanu dawladii
Soomaaliya ku jirnay waa la kulmi jiray oo hay’adiisii iyo hay’ado
Soomaali ah oo ku shuqul alahaa ayaa kulmi jiray, waanay noo iman
jireen, dalkana way iman jireen oo waa lala kulmi jiray, dadkii wax
na tari jiray ee wax nala qaban jiray ayay ahaayeen” ayuu yidhi
madaxwaynuhu.
Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland
|