WAR-SAXAAFADEED

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo,
waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2448/052014
uu isku b edel iyo magacaabis ku sameeyey Agaasimeyaasha Guud ee
Wasaaradahan hoos ku qoran.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u
leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:In baahi loo qabo in isku beddel lagu sameeyo
jagooyinkan hoos ku xusan;
Markuu La Tashaday:Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay:In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Aadan Cabdilaahi Cabdille, laga bilaabo taariikhda maanta
uu ahaado Agaas imaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee JSL.
In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Agaasima ha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka
Badda ee JSL.
In Mudane, Abiib Axmed Cali, uu ahaado Agaasimaha Guud ee Tacliinta
Sare ee Wasaa radda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda
Somaliland (Hore Cadaalada)
In Mudane, Khadar Axmed Diiriye, uu ahaado Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Cada aladda iyo Arrimaha Garsoorka Jamhuuriyadda
Somaliland, (hore Tacliinta Sare)
In Mudane, Maxamed Cilmi Aaden, uu ahaado Agaasimaha Guud ee
Wasaaradda Warfaa finta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda
Somaliland. (hore Kalluumaysiga).”
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed
Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay,
JSL/M/XERM/249-2446/052014 ku magacaabay gudoomiyeyaasha Gobolada
Saaxil, Sanaag iyo Gabiley
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyay:Ahmiyadda ay Gudoomiyeyaasha Gobolladu u leeyihiin
dhismaha Qaranka;
Markuu Aqoonsaday:In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyeyaasha
Gobolada Saaxil, Sanaag iyo Gabiley;
Markuu La Tashaday:Madaxda ay hawshani khusayso;
Markuu Arkay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Mustafe Cabdi Ciise (Shiine), laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Gud oomiyaha Gobolka Gabiley ee Jamhuuriyadda
Somaliland.
In Mudane, Fahmi Cabdi Bidaar, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Gudoomiyaha Gobolka Saaxil ee Jamhuuriyadda Somaliland.
In Mudane, Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Gudoomiyaha Gobolka Sanaag ee Jamhuuriyadda
Somaliland.”
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed
Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay,
JSL/M/XERM/249-2450/052014 uu ku ma gacaabay Maareeye Ku-xigeenka
Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee JSL.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka
Dabiiciga ahi u leedahay Dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Maareeye Ku-xigeenka
Hay’adda Ka hor-tagga Aafooyinka Dabiiciga ah;
Markuu La Tashaday:Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay:In aan looga maarmayn jagadan oo uu hore uga soo
shaqeeye, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Axmed Muxumed Geelle (Dacar), laga bilaabo taariikhda
maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Ka hor-tagga
Aafooyinka Dabiiciga ah ee (NERAD) ee JSL.”
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed
Silaanyo, waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay,
JSL/M/XERM/249-2451/052014 ku magac abay Gudoomiyaha Guddiga
Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo Ku-xigeenkiisa.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, ee Xarafka (kh) ee
Dastuurka Jamhuu riyadda Somaliland;
Markuu Arkay: Qodobka 6aad ee Xeerka Guddiga Mihnadlayaasha
Caafimaadka ee Xeer Lr. 19/2001;
Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Guddiga Mihnadlayaasha Caafimaadku u
leedahay dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabidda Guddoomiyaha Guddiga
Mihnadlayaasha Caafimaadka iyo ku xigeenkiisa
Markuu La Tashaday: Madaxda ay khusayso;
Markuu Ku Qancay: In ay hannan karaan, aqoon iyo kartina u leeyihiin
jagadan;
Wuxuu go’aansaday
In Dr. Axmed Xaashi Oday, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado
Guddoomiyaha Gu ddiga Mihnadlayaasha Caafimaadka ee Jamhuuriyadda
Somaliland.
In Mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed Doodi, laga bilaabo taariikhda
maanta uu ah aado Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga Mihnadlayaasha
Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo,
waxa uu Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay,
JSL/M/XERM/249-2453/052014
Ku maga caabay Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha
Gudaha ee JSL.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka
Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka
iyo dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiir Ku-xigeenka
Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee JSL;
Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu ku Qancay:In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Cali Maxamed Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Wasiir Ku-xig eenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee
JSL.”
“Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu
Digreeto Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XERM/249-2448/052014
ku magac aabay taliyaha cusub ee ciidanka madaxtooyadda Somaliland.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, xarafka (d) ee
Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda ay Ciidanka Ilaalada Madaxtooyadu u
leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markuu Arkay:In baahi loo qabo buuxinta jagada Taliyaha Ciidanka
Ilaalada Madaxtooyada JSL;
Markuu Ka Fiirsaday:Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;
Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;
Wuxuu go’aansaday
In Mudane, Axmed Cali Maygaag, laga bilaabo taariikhda maanta uu
ahaado Taliyaha Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada Jamhuuriyadda
Somaliland.”
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu Digreeto
Madaxweyne oo sumadeedu tahay, JSL/M/XILQ/249/1-2455/052014 xilalkii
ay hayeen uu kaga qaaday Wasiir Ku-xigeenkii Amniga ee Wasaaradda
Arrimaha Guda ha Taliyihii Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada,
Gudoomiyeyaashii Gobolada Saaxil, Gabiley, Sanaag, Agaasimihii Guud
ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Agaasimihii Guud ee Hor e ee
Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka,
Xilka Qaadista
1. Mudane, Cabdilaahi Abokor Cismaan, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee
Amniga ee Wasaar adda Arrimaha Gudaha
2. Mudane, Yuusuf Ibraahim Geedi, Gudoomiyihii Hore ee Gobolka
Gabiley
3. Gaashaanle, Faysal Kaamil Ciise, Taliyihii Hore ee Ciidanka
Ilaalada Madaxtooyada JSL
4. Mudane, Cabdirashiid Cabdilaahi Maxamed, Agaasimihii Guud ee Hore
ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta
5. Mudane, Cabdirashiid Jibriil Yuusuf, Agaasimihii Guud ee Hore ee
Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Mudanayaal,
Waxa aan aad idinku mahadinaqayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay.
Xilalka Qarank a ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba
cid hannan karta loo dhiibo.
Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad
qaranka u hayseen.
Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu
wareejisaan xilalkaasi cidaan u soo igmaday.”
Axmed Saleebaan Dhuxul
Afhayeenka Madaxtooyadda
|