Madaxweynaha Somaliland oo Iska Diiwaan geliyay Xarunta Hay’adda Shaqaalaha ee Hargeysa

 

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin iyo Marwadiisa Koowaad Marwo Huda Harkhad Aadan, ayaa saaka aroornimadii hore iska diiwaan galiyay Xarunta Hay’adda shaqaalaha ee Magaalada Hargeysa.

Sidoo kale , Gudoomiyayaasha xisbiyada Mucaaridka Axmed Siilaanyo iyo Faysal Cali Waraabe ayaa iyaguna sidoo kale isla xarunta iska diiwaan geliyay.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu ugu baaqay dadweynaha reer Somaliland in ay is diiwaan geliyaan, ilaashadaana Nabad gelyada , isagoo Madaxweynuhu ugu baaqay in ay dhamaan shacbi weynuhu Booliis wada ahaadaan, oo ay ilaashadaan Nabad gelyadooda Guud ahaan gobolka Maroodi jeex ayay diiwaan gelintu si rasmiya uga bilaabantay Maanta, iyada oo socon doonta ilaa Lix cisho.

Dhinaca kale , Madaxweynuhu waxa uu dhambaal tacsi ah u diray Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Nuur Sugaal Geelle oo muddo dheer ka tirsanaa Xildhibaanada golaha Guurtida..

Ilaahay ha u naxariistee Marxuumku waxa uu ka mid ahaa odayaashii qayb weyn ka soo qaatay dib u dhiska Qaranimada Somaliland,. Isaga oo muddo dheerna ka tirsanaa Golaha Guurtida Somaliland.

Marxuumka waxa shalay lagu aasay Magaalada Diri Dhaba ee Itoobiya.


Source: Somalilandnation