Madaxweynaha Somaliland Oo Gudida Akaadamiga Afsoomaaliga ku Qaabilay Qasriga Madaxtooyada

 

 


Gudidan oo ka kooban 13 xubnood balse ay madaxweynaha la kulmeen 5 xubnood oo ka mid


Hargeysa (TNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) ayaa maanta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ku qaabiley Gudida, Academy-ga Daryeelka Af-soomaaliga.

Gudidan oo ka kooban 13 xubnood balse ay madaxweynaha la kulmeen 5 xubnood oo ka mid ah gudidaasi oo kala ah.
1. Gudoomiyaha Guddida Academy-ga Daryeelka Af-soomaaliga
Dr. Maxamed Daahir Afrax
2. Gudoomiye Ku-xigeenka C/rashiid Maxamed Ismaaciil
3. Macalin Siciid Saalax Axmed
4. Macalin Axmed Shiraac
5. Maxamed Warsame Hadraawi


Dhinaca Xukuumada Waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey Shirka:

1. Madaxweyne kuxigeenka Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
2. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, wacyigelinta iyo DHaqanka JSL
3. Xoghayaha Gaarka ee Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Cali Axmed Cali

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland