Madaxweynaha Somaliland Oo Guddi Miisaan leh u magacaabay Aaska Marxuum-Qaybe

 



Hargeysa (TNN):-Gudida aaska ayaa waxa ay kala yihiin Wasiirrada wasaaradaha Arrimaha dib adda, caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta, Xanaanada Xoolaha, Beeraha iyo Gudoomiyaha Gobol ka Maroodi-jeex.

Wareegtada Madaxweynuhu ku magacaabay Gudida aaska marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe) ayaa waxa ay u dhignayd sidan:

Ujeedo: Magacaabid Guddida Aaska Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe)
Mudanayaal.Sida aad ka war-haysaan, waxa Shacbiga Somaliland ka baxay oo geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuum Axmed Maxamed Aadan (Qaybe).
Sidaas darteed Mudanayaal, waxa aan idiin magacaabay Guddida Qaban-qaabadda aaska Marx uumka.Waxaan idinka rajaynayaa in aad xil waafiya iska saari doontaan, isla markaana si milgo iyo maamuus Qaran leh u diyaarin doontaan aaska Marxuumka.IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland