Madaxweynaha Somaliland Oo Golaha Wakiilada U Soo Diray Warqad Uu Ku
War-galinaayo soo Jeedinta Khudbad Sanadeedkii

Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mud.
Axmed Maxamed Maxamuud ( Siilaanyo),ayaa warqad uu ku war galinaayo khudbad sanadeedkii Dastuu riga ahayd
inuu u jeediyo labada Gole Qaran wuxuu u soo diray Golaha Wakiilada.
Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (
Cirro) oo shir gudoominaayay Golaha ayaa u sheegay Xildhibaanada in
Golaha warqad ka timi Madax waynaha Somaliland soo gaadhay, wuxuuna
yidhi. "Halkan waxaan ku haynaa waraaq ka timi Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, taas oo ku saabsan Khudbad Sana deedkii
laga rabay Madaxweynaha oo Dastuuriyan ah inuu sannad kasta labada
Gole u jeediyo.” War galinta Guddoomiyaha kadib waxaa nuqulkii
warqada Madaxweynaha ka timi u akhriyay Golaha, Xoghayaha Golaha
Wakiilada Mud. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle. Waxayna u dhignayd sidan.
"Ku Shirguddoonka iyo Dhamaan Xildhibaanada Golaha wakiilada,ku
Shirguddoonka iyo dhamaan Xubnaha Golaha Guurtida Ujeedo Khudbad
Sanadeedka Madaxwaynaha som aliland,Mudanayaal aniga oo cuskanaya
Qodobka 46aad ee Dastuurka Jamuuriyada so maliland waxaan Si sharaf
iyo Qadarin mudan idiinku baaqayaa inaad iskugu timadaan Maalinta
Sabtida oo Bishu Tahay 28 Bisha 3aad ee 2015-ka.
Maalintaas waxaan jeedin Doonaa Khudbad Sanadeedkii Dastuuriga Ah
labada Gole Ba arlamaan Hortooda ee 2015-ka, waxaanan idinka Cod
sanaaya inaad ka hawl gashaan oo aad ka soo qayb gashaan Sidii
Fadhigaas wadajirka ahi u qabsoomi Lahaa.”
Dhinaca kale Guddoomiyaha Golaha wakiilada somaliland Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdi laahi Cirro oo fadhigan Shir Guddoominayay ayaa Sheegay
in Golaha wakiilada looga B aahan yahay in Ay soo Ajiibaan Fadhigas
wadajirka Ah ee Sagaalka Subaxnimo ka Qab soomi Doono Aqalka Golaha
Guurtida.
Xildhibaanada Fadhiga ka Soo Xaadiray Ayaa markii Warqadaas loo
Akhriyay Loo qayb iyay Xeerka Duulista iyo Hawada si ay uga Doodaan
mudanayaal Badan ayaa soo jee diyay in ay xeerkia Soo akhriyaan
Kadibna Maalinta bari ah ka doodaan
|