Madaxweynaha Somaliland Oo Gaadhay Gobolka Sool, Khudbadna Ka
Jeediyey Madal Ay ka soo Xaadireen Madaxda Saddexda Gobol Ee Sool,
Buuhoodle iyo Xaysimo, Caawana Ku Hoyday Magaalada Laas-caanood
Sool (TNN) :-Weftigii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed
Silaanyo ee ku sugnaa gobolka Saraar ayaa maanta oo taariikhdu tahay
19/08/2016, uga si gudbay gobolka Sool, gaar ahaan degmada
Adhi-cadeeye oo si aan hore loo arag, miisaan leh oon loo kala
hadhin loogu soo dhawee yey.
Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigiisu waxay soo dhawayntii ugu
balaadhnayd kala kulmeen shacbiga deegaamada Guumays, Yagoori,
Tuulada Samakaab iyo Degmada Cusub ee Adhi-cadeeye.
Waxanay shacbiga ku dhaqan halkaasi ay subaxnimadii hore jidadka iyo
koonayaasha magaalada ku qaa bileen kuna soo dhaweeyeen caleemo qoyan
iyo sawaxan qiiro iyo kalgacal ka muuqdo, taasoo ay hogga aminayeen,
garaadada, ugaasyada, salaadiinta, cuqaasha, masuuliyiinta
deegaamadaasi, aqoonyahanka, waxgaradka iyo bulshada qaybeheeda kala
duwan.
Madaxweynuhu intii uu ku guda jiray safarka waxa uu ku degayey goob
kasta oo ay ku sugnaayeen sha cbigaasi isugu soo baxay soo dhawaynta
madaxweynaha iyo weftigiisa, Sidoo kalena waxa uu dhagax- dhigay
Madaxweynuhu waddo laami ah oo isku xidhi-doonta Degmada
Adhi-cadeeye iyo Degmada Xudun, taasoo dhererkeedu noqon doono 85
Km, iyo mid dayactir ah oo dhererkeedu dhan yahay 1.3 Km. Ka dib na
waxa madaxweynaha iyo weftigiisa loo gelbiyey, goob boqran oo
maamuus iyo milgo leh looguna talo-galay, in si rasmi ah loogu qabto
shir muhiim ah oo waxgaradka, waayeelka, aqoon yahanka, isi-mada
dh aqanka iyo bulshada qaybeheeda kala duwan oo ka soo kicitimay
sadexda gobol ee Sool, Buuhoodle iyo Xaysimo, kaasoo lagu gorfeeyey
sidii Shacbiga goboladaas iyo xukuumada Somaliland ay meel uga soo
wada jeesan lahaayeen masiirka ummadda walaalaha ah ee reer
Somaliland, meelna isula dhigi lahaayee n, una midoobi lahaayeen, si
ay u meel mariyaan himiladooda iyo wada jirkooda dal ahaan iyo dad
ahaanba. Shirkan ay ujeedadiisi guud ahayd sii ambo qaadida gogoshii
nabadeed ee madaxweynuhu fidiyey markii uu hoggaanka dalka qabtay,
marar badana la sii hinjiyey geedi gelintooda, isagoo shirkan
adhi-cadeeye ee maantu uu ahaa kii ugu luxdanaa ee ilaa hadda
qabsooma dad tiro intaa leeg oo ka soc da saddexdaa gobol ee Sool,
Buuhoodle iyo Xaysimo.
Markii shirku furmay waxa hadalo halkaa ka jeediyey Wasiiro, Madaxda
dhaqanka ee halkaa ku sugnaa tiradooduna ay aad u badnayd lana odhan
karo umay kala hadhin maanta gogoshaa wada hadalka ee uu
madaxweynaha qaranka Somaliland u fidiyey bulshada saddexdaa gobol
ku dhaqan.
Waxa khudbad taariikhi ah halkaa ka jeediyey Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo soo jii datay quluubta shacbiga
goboladaasi ee ku sugnaa goobta. Khudbada Madaxweynaha waxa xuddun u
ahayd, isagoo iclaamiyey in shirkii ugu baaxda weynaa ee gogasha
nabada ee gobolada bariga lagu qab an doono magaalada burco
25/10/2016, taasoo waayeelka goboladaasi markii ay ka dareen
celinayeen, ee ay khudbadaha jeedinayeen ay si buuxda u soo
dhaweeyeen una aqbaleen, halkaana ay ka cadeeyeen inay wadar ahaan
uga soo qaybgeli doonaan gogoshaasi.
Khudbadii Madaxweynuhu jeediyey ayuu ku yidhi"Garaadada, Cuqaasha,
Waxgaradka iyo Haweenka Sha rafta leh ee Madashan milgaha iyo
maamuuska leh fadhiya dhamaantiin "Asalamu Calaykum Wa Raxma tullaahi
Wa Barakaatu”.
Salaan ka dib, Mudanayaal iyo Marwooyin, sharaf weyn ayey ii tahay
inaan ka soo qayb galo Golahan iyo gogoshan Gobeed ee ay goob jooga
ka yihiin haldoorkii hoggaamiyayaashii dhaqanka ee bulshada Gobolka
Sool.
Walaalayaal, waxaan jecelahay inaan si kooban isku dul taago qodobo
muhiim ah oo ay ka mid yihiin:
• Tabashooyinka Deegaanada Sool,Xaysimo iyo Buuhoodle
• Midnimada iyo wadajirka Ummadda
• Diiwaangalinta
• Adkaynta Nabadgalyadda
• Horumarka
Tabashada Bulshada Gobolada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle
Waxaan xogogaal u ahay in hoggaamiyayaasha siyaasadda iyo dhaqanka
ee deegaannada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle ay ka qabaan Qawad iyo
Tabasho qaabka awood qaybsiga talada Dalka.
Waxaan aaminsanahay in cadaaladdu tahay waxa kaliya ee ummadi ku
walaaloobi karto.
Waxaan aaminsanahay in beelaha iyo bulshada Somaliland yihiin kuwo
siman oo leh xaq iyo xurmo isku mid ah. Waxaan leeyahay sidii ninkii
yidhi "Dadku waa wada Ciise oo midna mid Caaro Ma dheera”.
Waxaan aaminsanahay in la qaybsado hawsha, halabadda iyo hantida
qarankan yagleesha ah.
Waxaan garwaaq-sanahay in ay jid iyo daw tahay, in dhib iyo dheef
la wadaago.
Walaalayaal,
Waxaan gar u arkaa in wixii qaldamay la saxo. Waxaan gar u arkaa in
la dheeli-tiro awood-qaybsiga tal ada Dalka. Waxaan ku qanacsanahay
in loo baahan yahay in dib-u-eegis lagu sameeyo saami-qaybsiga
kuraasta Baarlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland.Walaalayaal, waxaanu diyaar u nahay in aanu idinka tirrno tabashada
iyo turxaan kasta oo aad tirsana ysaan.Ma nihin dad kala tagi kara, mana nihin dad kala tashan kara, ee
waxaynu nahay Dad isku dan ah oo isku Dal ah.
Walaalayaal, waxaan leeyahay aan wada tashanno, oo aan isku
tashanno, oo aan is aaminno.
Hoggaaminta dalka waa loo siman yahay, kootana cid gaar ah uguma
xidhna, xilkiisuna, magan alle, waa meerto, oo maalinba ninbaa madax
ka ah. Maanta anigaa Madaxwayne ka ah Somaliland, Shalayna waxaa
Madaxwayne ka ahaa Daahir Riyaale oo ka soo jeeda Gobolka Awdal,
berritana nin reer Sool ah ayaa Madax ka noqon kara.
Walaalayaal,
Xaq baad u leedihiin in aad maalintiina Haaneedaan hoggaaminta
dalka, mana jiro wax idinka hortaagan ee hareerta qabsada, kana qayb
qaata diiwaangelinta iyo nidaamka doorashooyinka ee axsaabta badan.
Haddaba, si Ummad ahaan aynu u kala bogsanno, isla markaana si mug
iyo miisaan leh u falanqayno arri mahaas iyo wax kasta oo khuseeya
danaheena guud, waxaan ugu baaqayaa mar labaad Gogol wada had al oo
rasmi ah dhammaan Garaadada, Cuqaasha iyo siyaasiyiinta deegaannada
Sool, Xaysimo iyo Buuhoo dle. Waxaan idinku martiqaadaya 25/10/2016
magaalada Burco oo shirkaasi ka dhici doono.
Si uu u xoogaysto isfahanka, isdhexgalka, nabad kuwada noolaanshaha
bulshada, waxay Xukuumadaydu ka qayb qaadatay shirar doceedyo aad u
qiimo badan, kuwaas oo ay ka mid yihiin shirkii ka dhacay Maga alada
Awr-boogays, oo aan jecelahay in aan halkan ku hambalyeeyo
haldoorkii isugu yimid shir waynaha as.
Waxaan soo dhawaynayaa go’aanadii shirka Awr-boogays ka soo baxay.
Waxaan soo dhawaynayaa dhammaan heshiisyadii iskaashiga iyo wax wada
qabsiga ahaa ee ku dhex maray Xukuumadda Somaliland iyo Beelaha
Maxamuud Bari, Hinjiinle iyo Cabdiraxmaan Harti.
Sidoo kale, waxaan hambalyeynayaa shirkii dhawaan ka dhacay
magaalada Caynabo.
Waxaan soo dhawaynayaa natiijadii Shirkaa ka soo baxday ee salka ku
haysay bilowga nabad iyo wada hadal dhex mara Xukuumada Somaliland
iyo Khaatumo.
Waxaan soo dhawaynayaa is-fahanka hor-dhaca ah iyo wada hadalka noo
socda aniga iyo saxiibkay Cali Khaliif Galaydh. Labadayada iyo ragga
kale ee nala ayniga ah maanta naloogama fadhiyo in aannu colaad
beerro, ee waxaa nalooga fadhiyaa in aanu dadka u horseedno horumar
iyo himilooyin gun dheer, Somalidu waxay ku maahmaahdaa "Cimri tegay
ceeb laguma sagootiyo”. Ilaahayna waxaan ka baryaya in uu
dhammaanteen tubta toosan inagu hanuuniyo, tawfiiqdana ina
waafajiyo.
Shirarkan goo-gooska ah ee kala danbeeya ugama jeedno in aanu ku
qaybino ama ku kala qoqobno wax garadka bulshada ku dhaqan dhulkan.
Hasa-yeeshe waxaanu uga goleenahay:
1. In la xoojiyo nabadgelyada
2. In la abuuro jawi isfahan iyo wax wada qabsi
3. In la ururiyo, lana mideeyo aragtiyaha kala duwan ee degaanadan.
4. In loo gogol xaadho shir wayne balaadhan oo ay kuwada xaajoodaan
Somaliland iyo wax-garadka deegannada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle
kaas oo ah, ka aan maanta, madasha ka muddeeyay.
Wadajirka iyo Midnimada Ummadda
Midnimada iyo wadajirka Ummada Somaliland waa mid ku fadhida
muhiimad weyn oo marnaba aan madmadow la gelin Karin, Soomalidu
waxay ku maahmaahdaa "LABA ILAAH BAA U DAAWO QAADAY, LABANA IYAGAA
DAAWO QAATAY”, waxaan leeyahay ummada Somaliland ILAAHAY ayaa u
daawo qaaday oo waa kuwo wadaaga Dal, Dad, Daaq, Degaan, Diin iyo
Dhaqan soo jireen ah oo durugsan.
Sidaa daraadeed, waxay ka dhigan yihiin hal ku dhiga ah "SAKAARO
LABA TUN OO LA KALA QALO MA LEH”.
Haddaba, siyaasada xukumadda aan gadhwadeenka ka ahay, waxaa udub
dhexaad u ah ururinta iyo midaynta shacbi waynaha Somaliland.
Mudanayaal iyo marwooyin, waxaan ahay oday ruug cadaa ah oo Ummad u
arriminaayay in ka badan (40) sanno, uma aqaan siyaasadda
hoggaamiyaha hagaagsan Dulmi, Dirsooc iyo Dad la kala qaybiyo.
Sidaa daraadeed, waxaa iga go’an in aan ka tago dal iyo dad midaysan
oo leh daareen kaliya, waxaan diyaar u ahay in aan galiyo Maal,
Maskax iyo Muruq badan dhamaystirka dib u heshiisiinta Dadkayga iyo
Dalkayga.
Walaalayaal,
Waxaan idin leeyahay shan nin oo isku talo ah hal shansho ayaa ka
go’da, shan nin oo kala talo ahna shan shansho ayaa ka go’da, waxaan
diyaar u ahay inaan qaado talaabo kasta oo suurto gal noqon karta,
taas oo lagu meel marinaayo midnimada qaranka iyo mataanaynta
muwaadiniintiisa ku abtirsada.
Diiwaangalinta
Dawladda Somaliland waxay gudoonsatay inay Diiwaangaliso dhammaan
dadka muwaadiniinta u dhashay Jamhuuriyada Somaliland, si ay u
helaan jinsiyad iyo aqoonsi muujinaaya isir Raacooda. EEBBE
mahaddii, mashruucaasi wuu socdaa, waxaana la meel mariyay 60%, inta
hadhayna waxaa la qabyo-tiri doonaa sannadka 2017. Dhinaca kale,
waxay Xukumadda Jamhuuriyada Somaliland iyo Dalalka
Deeq-bixiyayaasha aynu saaxiibka nahay iska kaashanayaan hirgelinta
Diiwaangalinta Codbixiyayaasha, taas oo ay ujeeddadeedu tahay in si
sax ah oo hufnaan sugan leh loo diiwaan galiyo dadka leh xaq
codbixineed ama awood sharci u leh inay ka qayb qaataan
Doorashooyinka Qorshaysan 2017.
Qaran ahaan waxaynu si fiican ugu guulaysannay xaqiijinta mashruucan
oo sidii loogu talo galay uga hirgalay Gobollada Togdheer, Awdal,
Saaxil, Maroodi-jeex iyo Sanaag.
Gobolkan Sool ee aynu maanta Joognana, idam Eebbe waxay ka bilaabi
doontaa Maalinta Salaasada ee 23/08/2016. Anigoo fursadan iyo
fagaarahan ka faa’idaysanaya, waxaan jecelahay inaan farta ugu fiiqo
Bulshada ku nool Gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle inay
Diiwaangalintu tahay muhiim, isla markaana saamayn weyn ku leedahay
Tiirarka Aasaaska u ah nolosha gaar ahaan siyaasadda, nabadda iyo
horumarka.
Sidaa daraadeed, waxaan ugu baaqayaa dhammaan Dadwaynaha ku dhaqan
Gobollada Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle inay isu diiwaangaliyaan si
xikmad, xasilooni iyo xamaasad leh. Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa
Garaadada, Cuqaasha, Culima-awadiinka, Wax-garadka, Haldoorka iyo
haweenka Deegaannadan inay door weyn ka qaataan tisqaadka iyo
taabba-gelinta Diiwaangelinta Cod-bixiyayaasha.
Nabadgelyada
Nabaddu waa aasaaska nolosha. Xukummadda aan madaxda ka ahay, waxay
xoog saartay, xoolo badanna u hurtay adkaynta nabadgelyada guud
ahaan Gobolka Sool. Si gaara, waxaan u xoojinnay ammaanka magaalada
Laascaanood oo dilal is dabajoog ah, isla markaana tiro badani ka
dhici jireen xilliyadii hore, taas oo sababtay in laga barakaco iyo
in uu qofku ka werwero cawo-bariga naftiisa. Alleheenna weyn baa
mahad iska leh ee innagu mannaystay nabadda aynu haysanno iyo
nimcooyinkiisa kale ee faraha badan.
Dhinaca kale, labadii sanno u danbeeyey, waxa gobolka ka dhacay
dhibaatooyin dhex maray beelo walaala ah, sida shaqaaqooyinkii ka
dhacay Taleex, Xuddun iyo Dharkayn.
Deegaannadaa kor ku xusan, waxaanu ka samaynay hawlgallo laxaad leh
oo isugu jira nabad ilaalin iyo dhex-dhexaadin. Waxaan jecelahay
inaan halkan ka bogaadiyo Ciidammada Qaranka Jamhuuriyadda
Somaliland oo dedaal weyn ka geystay xallinta dhibaatooyinkaa.
Mar labaad, waxaan u ducaynayaa duqaydii iyo waayeelkii
dhex-dhexaadinta ka waday magaalada Dhumay. Waxaan EEBE uga baryayaa
in uu ku guuleeyo dedaalka ay wadaan iyo in uu miisaanka
xasanaadkooda ugu biiriyo camalka wanaagsan ee ay wadaan.
Waxaan u caddaynayaa Garaadada iyo madax-dhaqameedyada hawsha
dhex-dhexaadinta labad beelood ee walaalaha ah u guntaday in aan si
buuxda u garab taaganahy.
Ugu dambayn, waxaan ugu baaqaya beelaha walaalaha ah ee Faarax Cali
iyo Samakaab Cali in ay ka heshiiyaan dhibaatooyinkii dhex maray.
Sidoo kale, waxaan ugu baaqaya beelaha walaalaha ah ee Maxamed
Garaad iyo Cabdi Garaad in ay joojiyaan colaadda dhexdooda. Waxaan
leeyahay walaalayaal, colaad wiil baa ku dhinta ee kuma dhasho.
Waxaan leeyahay walaalayaal, waxa maanta talo inooga baahan dadka
inta nool, talo inoogama baahna nin dhintay. Waxa kale oo aan ku
guubaabinaya in ay u hoggaansamaan talooyinka iyo go’aammada ka soo
baxa Guurtida dhex-dhexaadinaysa iyo ciidammada nabad ilaalinta ee
hadh iyo habeen heeganka u ah.
Horumarka
Xisbiga Kulmiye markii uu talada dalka ku guulaystay, muddo yar ka
dib, waxa Xukuumadaydu guddoonsatay in Gobolka Sool laga hirgaliyo
horumar laxaad leh, maadaama oo ka jiro dib-u-dhac weyn oo saameeyey
adeegyada bulshada iyo kaabayaasha dhaqaale.
Waxaa hubaal ah in muddadii 6-da sannadood ee aan dalkan Madaxweyne
ka ahaa, wax badan iska beddaleen hourmarka Gobolka Sool, gaar ahaan
tayeynta iyo kor-u-qaadidda tirada adeegyada bulshada. Tusaale
koobaan, waxaan u soo qaadan kara dhinaca waxbarashada oo dib u dhac
weyn ka jiray xilligii hore.
Waxaanu ka hirgalinay Gobolka Sool 50 School ama dugsi oo isugu jira
noocyada kala duwan Hoose, Dhexe iyo Sare. Waxaanu ka hawlgalinnay
203 macalin oo cusub.
Waxaanu dhisnay Jaamacadda Nuugaal oo ay ka qalin jabiyeen
aqoonyahanno badan oo dalka iyo dadka wax ku soo kordhiyay.
Waxaanu qodnay ceelal biyood tiro badan
Si gaara markan isu-dul-taago magaala madaxda Gobolka Sool ee
Laascaanood, waxaan Xukuumad ahaan ka samaynay kawaanka hilibka,
sariibadda khudradda iyo waddooyin dhan 7 kilometer, iyo 6 kilometer
oo hadda gacanta lagu hayo.
Waxaanu samaynay garoon kubbadeed oo hadda roog casriya la dhigayo.
Waxa hadda gacanta lagu hayaa dhismaha hooy dugsi cusub iyo dib u
dhiska schoolkii hore ee dumay. Iyada oo lagu qalabayn doono agab
waxbarasho oo casirya iyo macalimiin tayo leh.
Dhinaca kale, waxa hadda la bilaabay dayac-tirka iyo dib-u-dhiska
Cisbitaalka weyn ee Magaalada Laascaanood, iyada oo lagu soo kordhin
doono qalab cusub oo casriya, daawo bilaasha iyo 3 dhakhtar oo si
joogta ah uga hawlgala. Mashaariicdaa hadda bilaabmay ee laga
maalgalinayo Sanduuqa Horumarinta Somaliland, waxa ku baxay lacag
dhan $7 Milyan oo Dollar.
Dhinaca kale, waxaanu gacanta ku haynaa mashaariic horumarineed oo
aan ka wadno qaar ka mida degmooyinka Gobolka Sool, sida Xuddun,
Awr-boogays iyo Kala-baydh.
Sidoo kale, waxaanu iyana mashaariic ka fulin doonna Degmada
Adhi-caddeeye, Taleex, Yagoori, Dharkeeyn iyo Laasa-curdin.
Mudanayaal iyo Marwooyin, waxaan idiin caddaynaya in ay
Xukuumaddayda ka go’an tahay in xoog la saaro horumarka Gobollada
Sool, Xaysimo iyo Buuhoodle, si loogu sameeyo is beddel weyn nolasha
bulshada deegaanadaa. Waxaa noo qorshaysan in horumarka deegaannada
loo sameeyo qorshe fog iyo mid dhaw, kuwaas oo sannadka
dabayaaqadiisa ka muuqan doona buugga Qorshaha Dheer ee Qarankan.
Ugu dambayn, ka sokow masuuliyadda ballaadan ee aan Qarankan u wada
hayo, waxaan idiin caddayna yaa in aan si gaara isaga xil saarayo
dib-u-dhiska iyo horumarka deegaannada gobolkan.
Guntii iyo gabogabadii, waxaan leeyahay amba faydniye waxba ha i
farin.
Ilaahay waxaan ka baryayaa in boggeenna iyo beerkeenna burcad isu
mariyo.
Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu midnimadeenna iyo wada jirkeenna
adkeeyo.
Ilaahay waxaan ka baryayaa in uu balaayo oo dhan ina hareer mariyo,
baladkeenana aamin ka dhigo".
Markii kulankaasi u soo afmeermay waxa weftigii madaxweynaha loo
gelbiyey magaalo madaxda Gobolka Sool ee Laascaanood, oo ay weftiga
Madaxweynuhu hoggaaminaayey caawa u hoydeen kuna sugnaan doonaan,
taasoo taariikhda gobolka ku suntanaan doonta, marka loo eego intii
uu jiray gobolka sool oo aanu weligeed Madaxweyne u hooyan, isagoo
madaxweynuhu taariikhdaas mid la mid ah ka dhigay gobolka markii uu
madaxweyne Axmed Siilaanyo safaro kala duwan ku yimid magaalada kana
fuliyey mashaariico dhawr.
|