Madaxweynaha Somaliland Oo DigreetoMadaxweyne Ku Dhaqan Galiyey Bixinta Darajoojinka kala Duwan ee ciidamada

 



Dhamaystirka Derajada Ciidamada kala duwan ee Qaran in ka badan 10,000 oo Askari oo u dall cay derajooyin kala duwan ee u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas, isla markaana Madaxweynu hu wuxuu go,aamiyey in Dhamaan Ciidamada loo kordhiyo ............

Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa Digreeto ku dhaqan Geliyay Xeerka Bixinta Darjadda Kala Duwan ee Ciidamadda Qaranka.


Sidaasna waxa lagu sheegay warsaxaafadeed ka soobaxay Xarunta Madaxtooyadda oo uu ku saxeexnaa afhayeenka Madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu caawa dhaqan geliyey xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/XERM/249-1948/082013 oo ku salaysan bixinta Derejooyinka Ciidamada kala duwan ee qaranka Jamhuuriyada Somaliland.
Madaxweynuhu


Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay: In ay lagama maarmaan tahay in Dhamaan Ciidamada Qaranka la siiyo Derajooyin ay mutaysteen;


Markuu Tixgeliyey: Magacaabidii Guddida Hirgelinta Derajo-bixinta iyo talo bixintoodii;
Markuu Tixgeliyey: Talo soo jeedintii Guddida Nabad-gelyada Qaranka ee Derajo Bixinta khusaysa;
Markuu Garwaaqsaday:Xilka naf-huridda iyo heeganka joogtaysan ee Qarankan u hayaan;
Markuu Ku-qanca In bixinta derajada Ciidamadu ay kor u qaadi doonto Milgaha iyo Sharafta Ciidamadeena iyo Haybadda Dawladnimo;


WUXUU GO,AANSADAY

Dhamaystirka Derajada Ciidamada kala duwan ee Qaran in ka badan 10,000 oo Askari oo u dalla cay derajooyin kala duwan ee u dhexeeya Alifle ilaa Sareeye-Gaas, isla markaana Madaxweynu hu wuxuu go,aamiyey in Dhamaan Ciidamada loo kordhiyo Gunno Derajo iyadoo lagu salaynayo Derajada iyo dallacaada kala duwan, korodhka Gunnada Derajada oo ka bilaabmaya September 2013. Waxaa la farayaa Taliyeyaasha Ciidamada kala duwan in derajooyinka si rasmi ah loo bixiyo munaasabadda Ciidal-Fidriga.

 


Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland