Madaxweynaha Somaliland oo Dhambaal Hambalyo ah u Diray Shacbiga Bisha Barakaysan ee Ramadaan

 

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta soo saaray baaq uu umadda reer Somaliland ugu hambalyeynayo bisha barakhaysan ee Ramadaan.

Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayale Kaahin, waxa uu maanta u diray dhambaal hambalyo oo uu umadda reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan gudo iyo dibedaba iyo guud ahaan dadka islaamka ah oo dhan ugu hambalyeynayo bishi Ramadaan ee barakaysanayd oo maanta kawsatay.


Madaxweynuhu waxa uu dhambaalkiisaasi ku yidhi “waxa aan umadda reer Somaliland iyo islaamka oo dhan ilaahay uga baryayaa inuu khayrkeeda iyo barakadeeda ina siiyo Bishaa Ramadaan , sanadka dambena inagu gaadhsiiyo Caafimaad , Barwaaqo iyo Bash Bash”.
 

 


Alla Mahad leh

 


Siciid Cadaani Mooge
Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland