Madaxweynaha Somaliland Oo Dhagax Dhigay Xarun Weyn Oo Ay Yeelan
Doonto Dalladda Dhallinyarada Somaliland Ee SONYO
“Dhismaha Xarunta Dalladda SONYO Waxa Ay Door Dhaxal Gal Ah Ka
Qaadan Doontaa Horumarinta Dhallinyarada Somaliland”…Guddoomiyaha
SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani
Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud
Siilaanyo ayaa Maanta Dhagax dhigay Dhisme cusub oo loo dhisayo
Dalladda Heer Qaran ee ay ku bahoobeen Dhallinyarada Somaliland ee
SONYO.
Xaflad Kooban Oo madaxweyne Siilaanyo Dhagax ku dhigay waxa ku
wehelinayay Guddoomiyaha dalladda heer Qaran ee Ururada
Dhallinyarada Somaliland ee SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani,
Wasiirka Wasaaradda dhallinyarada ciyaaraha iyo Dalxiiska Cali
Siciid Raygal Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada Ciyaaraha
iyo Dalxiiska Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, Agaasimaha Fulinta SONYO
Md. Siciid Maxamed Axmed, Xubno ka socday Golaha Sare ee SONYO iyo
Marti sharaf Kale.
.
Kadib Markii Madaxweynaha Somaliland Xadhiga ka soo jaray Xarunta
cusub ee Dhismaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha waxa uu lug
ku yimid goobta cusub ee laga binaynayo Dhismaha Dalladda SONYO oo
ah xaruntii hore ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha.
Madaxweynuhu markii uu goobta soo gaadhay waxa soo dhaweeyey
Masuuliyiinta SONYO oo uu guddoominayo Mubaarik Ismaaciil Taani oo
Madaxweynaha uga mahad celiyey sida qiimaha badan ee uu ugu heellan
yahay wax ka qabashada arrimaha dhallinyarada Somaliland isaga oo ku
ammaanay doorka uu ka qaaatay sanduuqa Horumarinta Dhallinyarada
Somaliland (Somaliland Youth Development Fund).
Guddoomiyaha SONYO Mud Mubaarik Ismaaciil Taani waxa uuu sheegay in
dhismahani yahay mid loogu tallo galay dhallinyarada Somaliland
isaga oo madaxweynaha uga mahad celiyey siinta uu siiyey xarunta
dhismaha laga dhisayo iyo doorka ay ka qaadan doonaan dhismihiisaba.
Wasiirka Ciyaaraha Md.Cali Siciid Raygal oo isaguna halkaasi ka
hadlay ayaa sheegay in dhismahan loo dhisayo Dallada SONYO uu yahay
mid ay u baahan yihiin, waxaanu madaxweynaha uga mahad celiyey sida
quruxda baddan ee uu ugu deeqay bahda dhalinayrada dhulkaasi uu
siiyey.
Wasiir Raygal waxa uu SONYO ku ammaanay sida ay u barbar taagan
tahay wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha oo ay u tahay
gacanteedii Midig. Intaa kadib Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed
Siilaanyo oo hadalkaasi ka hadlay ayaa sheegay in ay ka xukuumad
ahaan mar walba barbar taagan yihiin dhallinyarada kuna dadaali
doonaan in ay wax badan ka qabtaan doorka ay SONYO kaga jirto
horumarinta dhallinyarada isaga oo ballan qaaday in xukuumaddu door
weyn ka qaadan doonto dhismaha Xarunta SONYO. Madaxweynaha
Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, Guddoomiyaha
Dalladda SONYO Md.
Mubaarik Ismaaciil Taani iyo Wasiirka Dhallinyarada ciyaaraha
iyoDalxiisku si wada jir ah u dhagax dhigeen Dhismaha weyn ee ay
dalladda SONYO yeelan doonto markii ugu horraysay tan iyo
aasaaskeedii oo haatan laga joogo muddo 11 sanadood ah.
Timacade News Desk
Hargeysa,Somaliland
|