Madaxweynaha Somaliland oo dawlada Faransiisku si diiran dalkaasi ugu soo dhawaysay

 


Madaxweynaha Somaliland iyo waftigii uu hogaaminaayay ee shalay ka soo dhoofay dalka ayaa saaka subaxdii hore soo gaadhay caasimada dalka Faransiiska ee Paris, madaxweynaha iyo waftigiisa ayaa waxa maadaarka magaalda Paris saaka ku qaabilay oo ku soo dhaweeyay saraakiil ka tirsan wasaarada arimaha dibada ee dalka Faransiiska iyo madax ka socotay wasaarda gashaandhiga ee dalkaasi, iyo madax ka socotay wasaarada arimagha dibada ee Somaliland iyo madaxda xafiiska Somaliland ee dalka Faransiiska.

Waxa sidoo kale madaxweyanah aad u soo dhaweeyay diblomaasiyiin shesheeyo oo fadhigoodu yahay dalka Faransiiska oo ay ku jiraan safiiro ka mid ah safiirada dalkaasi u fadhiya wadamada geekska.

Madaxweynaha ayaa loo soo dhaweeyay ama loo qaabilay hab aad u heersareeya oo madaxweyne iyada oo madaxweynaha iyo waftigiisa la dajiya Hotel-ka mid ah Hotelada ugu waaweyn ee ku yaala magaalad Paris, kaasi oo ku yaala badhtamaha magaalda, ee la dajiyo madaxda caalmka Hotel-kan ayaa waxa hore loo dajiyay madax waaweyn oo booqday dalkaasi oo uu ka mid yahay madaxweynaha dalka Suuriya iyo madax kale oo fara badan, oo ay ka midyihiin madaxda wadamada Afrika, Europe iyo Americaba ee booqda dalkaasi amniga Hotel-ka iyo agagaarkiisa ayaa ah mid aad u sareeya taasi oo aad loo ilaaliy, dhanka kalena xiligani ayaa waxa qaarada Yurub ka socda olole siyaasadeed oo hor leh oo ay qaadeen wakiiilada Somaliland ee dalalka Sweden,Ireland, UK,Jarmalka,Norway iyo Fransiiska, taasi oo baryihii ina soo dhaafayba ay wadeen hawlgalo ay ku soo jiidanyaan wadamada qaarada Yurub taasi oo runtii qaaday talaabooyin wax ku ool ah, iyada oo dalka Ireland, oo aan Somaliland ku lahaan jirin xafiis ay hada soo dhaweeyeen sidii xidhiidh saxiibtinimo oo toos ahi uu u dhex mari lahaa labada dal, ay balan qaadeena in ay marti qaadi doonaan xukumada Somaliland isla markaasna ay soo dhawaynayaan, hadaba waxa la gudboon shicibka reer Somaliland in ay u midoobaan qadiyadooda oo meel looga soo wada jeedsado sidii qadiyada Somaliland looga midho dhalin lahaa.

 



Source:Qarannews