Madaxweynaha Somaliland Oo Cisbitaal Ku Booqday Maayarka Caasimadda Hargaysa

 

 



Madaxweynaha Somaliland, wuxuu Maayarka ku booqday Cisbitaalka lagu daweynaayo, isa goo halkaas ugu soo duceeyay isla markaana ...


Abu Dhabi (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) oo booqasho ku jooga waddanka Imaraadka Carabta, ayaa siyaaro ugu tagay Maayarka Caasimada Hargaysa, Eng: Yuusuf Warsame Siciid, oo muddo xanuun dartii dalka dibadda kaga maqnaa.

Madaxweynaha Somaliland, wuxuu Maayarka ku booqday Cisbitaalka lagu daweynaayo, is agoo halkaas ugu soo duceeyay isla markaana alle uga baryay inuu caafimaad siiyo. Geesk a kale Maayarka Caasimadda Hargaysa, ayaa Madaxweynaha uga mahad naqay booqasha da uu ugu yimi, isagoo sheegay inuu hadda fiican yahay isla markaana uu ka soo reeyay xa nuunkii.

Maayarka Magaaladda Hargaysa Eng. Yuusuf Warsame Siciid, ayaa muddo dalka dibadiisa uga maqnaa xaaladan caafimad, iyadoo xanuunkaasi ku soo booday wax yar kadib markii loo cumaamaday jagada xilka Maayarnimada.





Timacade News Desk
Abu Dhabi , UAE