Madaxweynaha Somaliland oo booqday Safaaradda Somaliland ku leedahay
Dalka Jabuuti
Jabuuti (TNN) :- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Muuse
Biixi Cabdi iyo Weftigii uu h oggaaminayey oo maalintii shanaad ku
sugan dalka Jabuuti oo halkaasi u joogay hawlo shaqo ayaa ma anta
booqday safaaradda Somaliland ay ku leedahay dalka Jamhuuriyadda
Jabuuti.
Waxaana madaxweynaha warbixin halkaa ku siiyey safiirka
Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan dalk a Jabuuti Amb. Cabdifataax
Siciid Axmed oo ay wehelinayaan safiir ku xigeenka, Amb. Cabdilaahi
Xaaji Suldaan iyo hawl-wadeenada safaaradda, isagoo ku dheeraaday
mudadii uu safiirku joogay wixii u qab soomay.
Geesta kale maareeyaha dekedaha Jabuuti ayaa sharaxaad ka siiyey
Madaxweynaha Somaliland iyo w eftigiisa aaga cashuuraha ka caagan ee
Free Żonę-ka
Dhinaca kale madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse
Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga la socday waxa hadhimo sharafeed u
sameeyey maareeyaha dekedaha Jabuuti Mudane Abuubakor Cumar Xadi oo
ay wehelinayaan xubno ka mida golaha wasiirrada Jabuuti iyo
masuuliyiin kale.
Allaa Mahad leh
|