Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta gelinkii hore Safar ku tagay Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awddal

 

 


Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa safarkiisani uu salka ku hayaa tabashooyin ay Xukuumad diisa ka tirsanayaan .....



Boorama (TNN) - Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maan ta gelinkii hore Safar ku tagay Magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awddal, halkaas oo ay ku soo dhaweeyey dadweyne u badan Taageerayaasha Xisbul xaakimka ee Magaaladda Boora ma iyo xubno u badan Madaxdhaqameedka taabacsan hogaamintiisa ee ka soo jeedda Gobolka.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa safarkiisani uu salka ku hayaa tabashooyin ay Xukuumadd iisa ka tirsanayaan Madaxdhaqameedyadda, Xildhibaanadda iyo Bulshadda ku dhaqan Gobolka Awddal, tabashooyinkaas oo gaadhay heer ay Warbaahinta u mariyaan.


Sidda ka muuqata Sawiradda ay soo dhaweynta Madaxweynaha ayaa markhaati u noqonaysa inay qayb ka yahay ololaha xisbiga Kulmiye ee Doorashadda Goleyaasha Deegaanka mashaariic da xadhiga uu ka jarayaana waxay qayb ka noqonayaan ololaha doorashadda, si shacabka loo gu qanciyo in xukuumadda xisbiga Kulmiye wax badan qabatay.

Safarka Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa la sheegayaa inay soo dedejisay weedhihii ay todo baad ka hor Warbaahinta u mariyeen Xildhibaanadda Labada Gole kaga jira Gobolka Awddal, ku waas oo si cad daaha uga rogay saluuga ay ka muujinayaan Xukuumaddiisa ee ku aadan deeg aanada ay ka soo jeedaan, kuwaas oo Mudanayaal kale oo ka tirsan Baarlamaanka oo ka soo jeedda Gobolka Sool ay ka bixiyeen jawaab, taas Shacabku aragtiyo kala duwan ka bixiyey jawaabahaasi.

Safarkan Madaxweynaha ee ayaa ku soo beegmaya, iyaddoo Maa nta Xisbiga Talada dalka hay a ee Kulmiye u lahaa Ololaha Doorashada Goleyaasha Deegaanka, halkaas oo Madaxweyne Siil aanyo khudbad u jeediyey Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ee Gobolka Awdal.
 

 


Timacade News Desk
Boorama,Somaliland