WAR-SAXAAFADEED
Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo
weftigii uu hogaamina ayey ee ku sugnaa maalmahanba Dalka Ingiriiska
gaar ahaan Magaalada London ayaa caawa fiidkii la kulmay Raisal
wasaaraha Dalkaasi Ingiriiska David Cameron.
Kulankan oo ahaa mid ay ku lafa-gureen labada dal, wada shaqaynta
iyo xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya, ayaa madaxweynaha
Jamhuuriyada Somaliland oo kulankaasi ku dheeraday sidii loo ilaalin
lahaa wada jirka iyo wada shaqaynta ay labadan dal mudada dheer soo
wadeen iyo sidii laysaga kaashan lahaa xoojinta iyo adkaynta
nabad-gelyada geeska afrika, hour-marka iyo dhaqaalaha.
David Cameron oo isma madaxweynaha uga mahad-naqay sida qiimaha leh
ee ay Somaliland ma r walba isaga xil-saarto adkaynta iyo wada
shaqaynta ka dhaxaysa labadan dal, ha noqoto dh anka ammaanka
mandaqada geeska afrika iyo xidhiidhka caalamiga ahba,
Sidoo kale waxa uu raisal wasaare David Camaron Madaxweynaha
Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) u
soo bandhigay ahmiyada uu leeyahay shirka London lagu qaban-doono ee
Somaliland iyo Somaliya la doonayo in lagu wada hadashiiyo oo uu ku
nuux-nuuxsaday raisal wasaaruhu in ay Somaliland faa?iido weyni ugu
jirto ka soo qayb-galkaasi, ingiriiskana ay muhiim u tahay.
Kulankan waxa ku wehelinaayey Madaxweynaha JSL.
1. Wasiirka Arrimaha Dibeda JSL. Dr. Maxamed CabdilaahI Cumar
2. Wasiirka Madaxtooyada JSL, Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan
3. Safiirka Somaliland u fadhiya Ingiriiska, Ambasador Cali Aadan
Cawaale,
Dhinaca Raisal Wasaarahana waxa ku wehelinaayey
1. Wasiirka Arrimaha Dibeda Ingiriiska Mr. William Hague
ALLAA MAHAD LEH
Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.
|