Madaxweynaha Somaliland iyo Wefdigiisii oo Maanta La Kulmay Wasiirka Arrimaha Dibada Faransiiska

 

 

Paris (TNN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Daahir Rayaale Kaahin, iyo weftigii uu hogaaminayey waxay la kulmeen Wasiirka Wasaaradda Arrimaha  Debed da ee Fransiiska iyo Arrimaha Europe, Mudane, Bernard Kouchner, kullankaasi oo ka dhacay Xarunta Wasaarada Arrimaha Debedda iyo Arrimaha European ee magaceedu yahay (Quai d’Orsay) halkaasi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Madaxweynaha iyo Weftigiisaba.

Madaxweynaha iyo Wasiirku waxay si diirran isaga waraysteen xaaladda Gobolka iyo ka Geeska Africa, iyagoo si gaar ah oo xiiso badani ku dheeehan yahay uga wado hadlay, arrimaha Somaliland, sida Arrimaha Siyaasadda, Nabadgelyada, dhaqaalaha Arrimaha Budhcad badeeda ee beryahan dambe fara baas ku haya badaha adduunka iyo kuwa Gobolkaba,

Madaxweynuhu wuxuu uga waramay Wasiirka, xaaladda dalka Somaliland ee imika, iyo doorashada Madaxtooyada ee dalka dhawaan ku soo fool leh, Arrimaha Nabadgelyada, kaalinta Somaliland kaga jirto arrimaha la dagaalanka budhcad badeeda, iyo kaalinta wax ku oolka ah ee ay kaga jirto deganaanshaha dhammaan Mandaqadda Geeska Africa iyo Gobolkaba.

Wasiirku waxa uu Madaxweynaha ugu hambalyeeyay, horumarka, deganaanshaha iyo Dimuqraadiyadda uu dalka Somaliland ku tallaabasaday, taasi oo uu sheegay Wasiirku in uu aqoon dheeraad ah u leeyahay Somaliland, soona booqday wakhtigii ay Somaliland burbursanayd ee Sagaashameedyadii, isbedelka la gaadhayna ku tilmaamay mid mucjiso ah, jecel yahayna in uu mar labaad ku noqdo oo uu indhihiisa ku soo arko wanaaga ay qabsatay oo uu sheegay in uu adduun waynuhuna ka markhaati kacay.

Wuxuuna sheegay in uu had iyo jeer la socda xaaladda Dalka Somaliland, xog joogta  ah na ka helo shaqaalaha Wasaaraddda Arrimaha Debedda ee Fransiiska kuwa u qaabilsan Africa.


Isla shalay Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxa qado sharaf loogu sameeyay, Aqalka Guurtida (Senate) ee Fransiiska taasi oo labada golena u dhammaayeen, halkaasi oo si aada la isugu waraystay, xubno ka mid ahaa Baarlamankuna ka warameen waxay ku soo arkeen Dalka Somaliland mudadii ay safarka ugu kicitimeen ee 2009-kii, halkaasi oo Madaxweynaha lagu guddoon siiyay Buug taariikhi ah oo ka waramaya Golaha Senate ee Fransiiska.


Waxay Golaha Senate-ku ballan qaadeen inay wefti kale u soo diri doonaan dalka mar labaad, sannadkan aynu ku gudo jirno.


Waxa iyana badh ka mid ah weftiga Madaxweynaha, oo uu hogaaminayey Wasiirka  Was aaradda Arrimaha Debeddu saaka, la kulmeen Hay’adda Horumarinta iyo iskaashiga ee Dalka Fransiiska (AFD), weftiga iyo Hay’addu waxay aad isula soo qaadeen hawlo fara badan oo ku saabsan Horumarinta iyo xagga Iskaashiga labada dal, iyadoo Weftigu ka codsaday Hay’adda inay dalka Somaliland soo degaan oo yimaadaan.


Kullamadaasi dhammaantood waxay ku soo gaba-gaboobeen jawi farxadeed oo aad u sarreeya.


Madaxweynaha JSL, waxa kullamadiisa ku wehelinayey, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Debedda, Mudane, Cabdillaahi Maxamed Ducaale, Mudane, Cali Cumar Maxamed, Maaree yaha Dekedda Berbera, Mudane, Cali Ismaaciil Xassan, Wakiilka Somaliland ee Dalka  Fra nsiiska iyo Mudane, Axmed Maxamed Ciise, Xog-hayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha JSL.

 



Allaa Mahad Leh

Axmed Maxamed Ciise
Xoghayaha Gaarka ah ee Madaxweynaha