Madaxweynaha Somaliland iyo waftigii uu hoggaaminayay oo goor dhawayd
gaadhay Dubai iyo soo dhawayn la yaab leh oo loogu sameeyey
Dubai
Madaxweynaha iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa markii ay gadheen
Dubai waxa halkaas .... Daawo Sawirro Tiro Badan
Dubai (TNN)- Madaxweynaha Jamhuuryadda Somaliland Mud: Axmed Maxamed
Maxamuud (Sii laanyo) iyo watigii uu hogaaminayay ayaa goor-dhaweyd
gaadhay Magaaladda Dubai ee dalk a Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne Siilaanyo iyo waftigan balaadhan ee uu hoggaaminayo, ayaa
marti-qaad rasmi ah ka helay Dawladda Imaaraadka Carabta, halkaas oo
ay maanta Diyaarad khaas ah oo ay d awladda Imaaraadka Carabtu u soo
dirtay,ay ka qaaday Madaarka Caalamiga ah ee Berbera International
Airport.
Madaxweynaha iyo waftiga uu hoggaaminayo ayaa markii ay gadheen
Dubai ,waxa halkaas si balaadhan ugu soo dhaweeyay masuuliyiin sare
oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda D alk a Imaaraadka Carabta,
iyadoo waftiga loo galbiyay goobtii loo sii diyaariyay inay ku dega an.
Waxaana la filayaa inay u bilaabmaan kulanadii u qorshaysnaa, iyadoo
uu casuumadan waftig a uu si weyn uga soo shaqeeyay Shiikha maal qabeenka ah
,ee Xukuma magaaladda Ganacsi ee Dubai, Shiikh
Maxamed Binu Rashiid.
Guuleed Muxumed Ibrahim
Timacade News Desk
Hargeysa ,Somaliland
|