Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuus (Siilaanyo) oo fadhi aan caadi ahayn isugu yeedhay Golaha Guurtida Somaliland  maalinta Sabtida

 




Ujeedo : Codsi fadhi aan caadi ahayn

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

Markuu arkay: Qoddabada kala ah: 71 aad iyo 46aad, Faqradiisa 2aad, Xarafkiisa b ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland,

Markuu Arkay: baahida loo qabo in doorashadu aanay dib u dhicin



Markuu tixgaliyay: Dareenka ay ka bixiyeen qaadhaanbixiyayaashu iyo dalabka Guddida Doorashooyinka Qaranka in Xeerka shaqo galo inta ka horeysa bisha barakaysan ee Ramadaan,



Sidaa darted Mudanayaal, Waxaan idiinka codsanayaa in Xeerka Axsaabta Xeer Lr. 14, aad ka gudataan waajiba adkiina Dastuuriga ah, idinkoo tixgalinaya arrimaha kor ku xusan.



Waxaan idiinka codsanayaa inaad iskugu timaadaan maalinta sabtida ah, bishuna ay tahay 06/08/2011.
 


Allaa Mahad Leh

Axmed Maxamed Siilaanyo

Madaxweynaha Somaliland