Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud "Siila anyo" ayaa maanta Golihiisii Wasiiradda u gudbiyay Golaha Wakiiladda si ay u Ansixiyaan

 

Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud "Siilaanyo" , ayaa maanta Golaha Wakiiladda Somaliland u gudbiyay qoraal codsi ah oo uu kaga dalbanayo inay Ansixiyaan xubnaha Wasiiradda ah ee uu dhawaan magacaabay oo kala ah 20 wasiir iyo lix wasiir ku xigeen

Codsiga uu Madaxweynuhu u soo gudbiyay golaha wakiiladda ayuu guddoomiyaha Golaha  wakiila ddu ka hor akhriyay fadhigii maanta waxaanu yidhi " Mudanayaal sidaad ka warqabtaan waxaan dhawaan soo magacaabay golihii xukuumadda cusub oo ka kooban labaatan wasiir iyo lix wasiir ku xigeen, hadaba sida Dastuurka Qaranka qoddobkiisa 94 aad faqradiisa 2 aad dhigayso in  mar ka la magacaabo wasiir ama wasiir ku xigeen laga ansixiyo golaha wakiiladda Jamhuuriyada Soma liland, sidaa darteen Mudanayaal idinkoo gudanaya xilkiina Dastuuriga ah waxaan si qadarin leh idiinku soo jeedinayaa inaad si dhakhso ah u soo ansixisaan wasiiradan iyo wasiir xigeenadan aan u soo magacaabay wasaaradaha Dalka si ay si sharci ah ugu gutaan hawlaha Qaranka oo ay  lag ama maarmaan tahay iay si dhakhso ah u guda galaan, waxaan idinka rajaynayaa inaad si  dhakh so ah u soo ansixin doontaan masuuliyiintaas"

Intaa kadib waxa uu Guddoomiyaha Golaha Wakiiladdu isagoo ka shidaal qaadanaya Xeer  hoosa adka Golaha Wakiiladda u qaybiyay liiska Golaha Wasiirada Guddiyada Golaha oo gudi kastaa ay ku magacaaban tahay wasaarado gaar ah waxaanay gudiyada Golaha Wakiiladdu u soo eegi  doo naan wasiiradaasi inay buuxin karaan shuruudaha uu Dastuurku u dhigay qofka xilkaa qaadi kara

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladuwaxa uu ugu qaybiyay Gudiyada Golaha Wakiilada sidan:-

* Guddida Arrimaha Gudaha Nabadgelyada iyo difaacu waxay eegi doonaan wasiiradda Wasaaradaha kala ah Arrimaha Gudaha iyo Gaashaan dhiga

* Guddida Dhaqaalaha, Maaliyada iyo Ganacsigu waxay eegi doonaan wasiiradda Wasaardaha Maaliyada, Ganacsiga, Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo wasaarada Duulista iyo Hawada

* Guddida Arrimaha Bulshadu waxay eegi doontaa wasiirada Wasaaradaha Waxbarashada, Caafimaadka, Diinta iyo Awqaafta, Hawlaha Guud, Arrimaha Bulshada, Warfaafinta iyo wasaaradda Ciyaaraha iyo dhalinyarada

* Guddida Arrimaha Dibada waxay eegi doonaan Arrimaha dibeda iyo Qorshaynta

* Guddida Deegaanka iyo Kheyraadka Badda waxay eegi doonaan Xanaanada Xoolaha, Beeraha, Macdanta iyo Biyaha iyo Kaluumaysiga

* Guddida Shuruucda waxay eegi doonaa Cadaaladda

Guddiyada golaha ayaa waxay dib ugu soo celin doonaan Isniinta toddobaadkan warbixnaha iyo xogaha ay ka soo diyaariyeen wasiiraddaasi inay u qalmaan xilka loo igmaday, si mudanayaashu ay ugu codeeyaan

Dhinaca kalena waxa uu maanta Golaha Wakiiladdu mar kale ansixiyay Xeerka Hubka Fudud oo Golaha Guurtidu wax ka bedel ku soo sameeyeen.

Source: Waaheen