TACSI MADAXWEYNE

 


 


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN


Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Guurtida, Golaha Wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaab tii iyo shacbiga Somaliland isaga oo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid Marxuum Xildh ibaan Cabdilaahi Ibraahim Xirsi (Dhugad)oo ku geeriyooday Hargeysa 08/02/2015.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday ka baxay bulshada iyo qaranka somaliland, kana soo shaqeeyey nabadayntii, Halgankii iyo dib u dhiskii dalka oo uu ilaa wakhtigan ku hawlanaa horumarinta iyo ka midho dhalinta himilada shacbiga iyo qarank aba, muddo dheerna ka mid ahaa golaha guurtida Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardaws a ka waraabiyo, labada golle ee guurtida iyo wakiilada, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asx aabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.


IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN
 

 

Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.