Madaxweynaha S/land oo
la kulmay Wakiilka AU-da u qabilsan S/Land Iyo Somalia

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin
waxa uu caawa qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wefdi uu hogaaminayo
Wakiilka Ururka AU-da u qaabilsan Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya.
Mudane Nicolas Bwakira oo booqasho gaaban ku yimid Somaliland, hadal
kooban oo uu ka jeediyay kulankii uu Madaxweynaha la yeeshay waxa uu
ka waramay isbedelka weyn ee Somaliland ay ku tallaabsatay, isaga oo
1993-kii Somaliland yimid, isla markaana u shaqaynayay Laan Qaramada
Midoobay ka tirsan, waxana uu sheegay markii uu ka soo degay dhabaha
dayuuradaha ee Magaalada Hargeysa in uu aad ula yaabay isbedelka
weyn ee horumarka ah iyo dhismaha Magaalada oo dhinac kasta ah uu
magaalada ku arkay.
Mr Nicolas waxa kale oo uu aad ugu riyaaqay Nabad gelyada iyo
xasiloonida ka muuqata Somaliland , isaga oo is bar bar dhigay marka
uu Muqdisho tago in lagu daadaheeyo , laguna ilaaliyo gaawaadhida
gaashaaman ee ciidamada, isaga oo ka waramaya ujeedada socdaalkiisa
mr Nicolas waxa uu yidhi “waxa lagama maarmaan ah in aan anigu
indhahayga ku soo arko Somaliland waxa ay qabsatay iyo xaaladaha ka
jira , siiba dhinaca dimuqraadiyada intii cid kale iiga warami
lahayd, taas oo aan gaadhsiin doono Ururka AU-da iyo
madaxda Africa ee aan la kulmi doono”.
Madaxweynuhu oo isna halkaasi hadal ka jeediyay kulankaasi uu la
yeeshay wefdiga waxa uu sheegay in Somaliland waxyaabaha ay qabsatay
tan iyo intii gooni isu taageeda kala soo noqotay wadankii la isku
odhan jiray Soomaaliya 1991-kii.
Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu carabka ku dhuftay in
adduunyadu inteeda kale , haddii ay noqoto Africa, Carabta iyo
Yuruba ay si cadaalad darro ah ula macaamileen Somaliland, iyaga oo
aan tix gelin waxyaabaha ay qabsatay dhinaca Dimuqraadiyada , gaar
ahaan doorashooyinkii xorta iyo xalaasha ahaa ee dalka ka dhacay,
kuwaasi oo aan in badan dalalka Africa aan ka hir gelin.
Madaxweynaha JSL Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu
sheegay in codsiyo badan uu u jeediyay dalal badan oo dunida ah
markii uu socdaalada ku tegay , isaga oo la kulmay Madaxweynayaal
badan oo Africa ah iyo kuwo kale oo caalami ahba.
Waxa uu Madaxweynuhu tibaaxay in dunidu ay aad u tix geliso dalkii
Soomaaliya oo ay maanta ka taagan tahay dil , budhcad badeed , Qax
iyo guul darooyin aan la soo koobi Karin.
Waxa kale oo kulankaasi uu Madaxweynuhu la yeeshay Wakiilka AU u
qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya goob joog ka ahaa Wasiirul
dawlaha Arrimaha Somaliland Mudane Siciid Maxamed Nuur iyo Dr
Maxamed W. Ducaale oo ah La Taliyaha AU-da ee Arrimaha Somaliland
iyo Soomaaliya.
Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL
|