Madaxweynaha Oo Xisaabiyaha Guud U Magacaabay Sarkaal Ka Tirsan Madaxtooyada

 


 


Hargeysa February 28th, 2011  (TNN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa digreeto Madaweyne oo uu shalay soo saaray xilkii kaga qaaday xisaabiyihii guud ee dalka Ibraahim Aadan Qaalib, waxaana lagu sababeeyay xil ka qaadistiisa inay cabasho badani ka shaqadiisii.

Qoraalka Madaxweynuhu xilka kaga qaaday xisaabiyihii dawlada waxa lagu sheegay in loo mag acaabay xisaabiyaha cusub Maxamed Cabdi Badde, oo ah Agaasimihii Xisaabaadka wasaarada ha iyo kaantaroolka Miisaaniyada ee Madaxtooyada. Qoraalkaasi waxa lagu faray in labada mas uul ay xilka ula kala wareegaan si deg deg ah.

Dhinaca kale, Xisaabiyihii hore Ibraahim Aadan Qaalib oo shir jaraa’id maanta ku qabtay magaa lada Hargeysa ayaa xilka qaadistiisa ku eedeeyay inuu ka dambeeyay Chief of Cabinet-ka Ma daxtooyada Md. Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Xubnaha Komishanka doorashooyinka oo uu sida uu sheegay ka diiday inuu u sii daayo foojaro sharci darro ah.

Waxa kale, oo uu u mahad celiyay Wasiirka Maaliyada Somaliland oo uu ku tilmaamay masuul nadiif ka ah musuqmaasuqa.





Source:Somaliland.Org