Madaxweynaha oo Xafiiskiisa ku qaabilay Wefdi Ka Socda Hay’ad Maraykana

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefdi ka socda hay’add lagu magacaabo Organic Solution oo ka mid ah hay’adaha Maraykanka ee ka taageera Horumarka Dunida Saddexaad.

Madaxweynuhu , waxa uu ugu mahad naqay wefdigaasi booqashada ay ku yimaadeen Jamhuuriyadda Somaliland iyo sida ay u danaynayaan in ay ka taageeraan Mashaariicda horumarka ah ee uu dalku u baahan yahay.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in socdaalkiisii uu ku tegay dalka Maraykanka madaxdii dawlada Maraykanka ee ay halkaasi kulamada kula yeeshay in uu ka codsaday in dalka Somaliland laga taageero dhinacyada Mashaariicda , si shaqooyin loogu abuuro dadweynaha.
“Mar walba waxa aanu danaynaynaa in aanu wax la qabsano dalalka horumaray ee Maraykanku ka mid yahay, iyada oo arrimaha ictiraafku uu gooni yahay , waxa hadana mudnaanta koowaad aanu siinaynaa, si mashaariic horumar ah aanu dalkayaga ka abuurno, taas oo u sahli doonta in ay dadku shaqooyin ka helaan” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

“Somaliland waa dal dihin , haddii ay noqon lahayd dhinacyada Khayraadka Badda iyo Barigaba , waxa se ay u baahan tahay aqoon iyo maal gashi” ayuu hadalkiisa ku soo gabo gabeeyay Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin.
Haweenayda wefdiga hogaaminaysa M. Ballarin waxa ay sheegtay in hay’adeedu diyaar u tahay in ay degto Somaliland oo ay xarun ku yeelato , si ay uga qayb gasho mashaariicda horumarka ah ee uu u baahan yahay dalka Somaliland.

M. Ballarin waxa kale oo ay carabka ku dhufatay in hay’adeedu diyaar u tahay lacag lagu qadaray Boqol Malyuun oo Doollar oo wax lagaga qaban doono mashaariicda Caafimaadka , Waxbarashada iyo shaqo abuurista dadka in laga hir gelin doono Somaliland 24-ka bilood ee soo socda.
Waxa kale oo goob joog ka ahaa kulankaasi wefdiga Maraykanku ay Madaxweynaha la yeesheen Wasiirka Dib u Dejinta Somaliland Mudane Maxamed Yuusuf Cismaan.
 

 


Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL