Madaxweynaha oo Wasiirradiisa ku Amray inay u Midoobaan Tallaabo
Kastoo uu Muuse Biixi Kaga Adkaan Karo

Dulucda arrimo xasaasi ah oo lagaga wadahadlay shirkii Golaha
Wasiirrada ee shalay + dhibaa tooyin ilaa xilligii
SNM taxnaa oo
madaxweynuhu ka tirsaday Muuse Biixi + markhaati furkii
Abiib
Timacade
Madaxweyne Siilaanyo ka cago-jiidaya ergada dhex dhexaadinta,
diyaarna u ah inay Muuse Bii xi sharciga ku kala baxaa.
Madaxtooyada oo dagaal ka dhan ah Muuse Biixi bar bar wada
dhexdhexaadinta Guurtidu ku ha wlan tahay
Hargeysa (TNN):- Madaxtooyada Somaliland oo adeegsanaysa dhaqaale iyo
masuuliyiinta shaq aalaha dawladda oo koox wasiirro ah hor boodayaan,
ayaa dagaal lagula jiro Guddoomiyaha KU LMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi
barbar wada dedaalka dhexdhexaadinta ah ee ergada guurtida ah ku
doonayso in lagu soo afjaro khilaafka u dhexeeya madaxweyne
Siilaanyo iyo hoggaanka sar e ee KULMIYE.
Ilo-wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa Jamhuuriya u sheegay xalay in
Madaxweynaha Somalilan d Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo
hadal ka jeediyey Shirkii Golaha Wasiirrada oo xarunta madaxtooyada
ka dhacay shalay, waxa uu xubnaha golihiisa wasiirrada ku
guubaabiy ey in aanay kooxo kala noqon, kana shaqeeyaan sidii
taageero loogu muujin lahaa murrashaxn imadiisa iyo dagaalka
siyaasadeed ee uu kaga soo horjeedo Guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse
Biixi Cabdi.
Waxa madaxweynuhu xubnaha Golaha Wasiirrada ku wargeliyey in la
gaadhay xilligii ay Muuse Biixi kala callaf-qaadi lahaayeen, isla
markaana sharciga iyo xeerarka dalka u yaal lagu kala bixi doono,
waxaannu wasiirrada uga sheekeeyey taariikh dheer iyo mawjado
dhibaatooyin ah oo ay isla soo mareen Guddoomiye Muuse Biixi ilaa
muddadii lagu jiray halgankii dib-u-xoraynta Somaliland ee ururkii
SNM hormuudka ka ahaa, isagoo madaxweyne Siilaanyo sida la sheegay
xasuusiyey Golaha Wasiirrada in ilaa xilligaas Muuse Biixi dhibaato
iyo hagardaamo la daba taagnaa Axmed Siilaanyo ahaan, balse aanay
dhibkaasi intaas in ka badan sii socon karin, lana gaadhay waqtigii
isaga iyo Muuse kala hadhi lahaayeen.
Sida ilo-wareedyadu tibaaxeen, Wasiirka Warshadaha Md. Abiib Diiriye
Nuur oo isna hadal ka jeediyey shirka wasiirradu yeesheen, ayaa
sheegay in madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi xafiiltan dheerri ka
dhexeeyey ilaa xilligii SNM dagaalka kula jirtay taliskii Siyaad
Barre, madaxweynahana ku taageersan yahay in la gaadhay waqtigii uu
iska reebi lahaa Muuse Biixi, isagoo halkaas ka sheegay inuu shaqsi
ahaan markhaati iyo xogogaal u yahay dhibaatooyin iyo hagardaamo
Guddoomiye Muuse ku hayey madaxweyne Siilaanyo muddo aad u dheer.
Waxa kale oo xogaha Jamhuuriya helay sheegeen in Wasiirka Nabadaynta
Gobolada Bari Md. Cali Maxamuud Axmed (Cali Sandule) oo isna shirka
wasiirrada ka hadlay, ayaa soo jeediyey hadal lid ku ah weedhaha
Wasiirka Warshadduhu ku tiraabay, isagoo Cali Sandule ku dooday
khilaafka jira waanwaan lagu dhameeyo, lagana shaqeeyo sidii isku
duubni loogu gudan lahaa hawlaha qaranka.
Wasiirka Gaashaandhigga Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa isna sida
la weriyey halkaas kaga tiraabay inay wasiirro ahaan madaxweynaha ku
taageersan yihiin musharaxnimadiisa, kana shaqayn doonaan sidii
arrintaasi u hirgeli lahayd, balse, waxa uu shirka ka sheegay inay
jiraan wasiirro iyo masuuliyiin faras dheeraynaya saaran, kuna
hawlan arrimo aan loo dirsan, isagoo soo jeediyey in la isla
jaanqaado, masuuliyiinta dheeraynayaana socodkooda agaabiyaan, kuwa
luudayaana cagta dedejiyeen, meel dhexe oo murrashaxnimada
madaxweynaha lagu dhisayana la isugu yimaad, iyadoo oo dhammaanba
xubnaha Golaha Wasiirradu taageero u muujiyeen hadalka madaxweynuhu
ku sheegay inay sharciga ku kala baxaan, isla markaana si kama
dambaysa ah xilligan u kala calafqaadaan isaga iyo Muuse Biixi Cabdi.
Dhinaca kale, sida ilo-wareedyo kala duwan u xaqiijiyeen Jamhuuriya
xalay, madaxweyne Siilaanyo, ayaa tiraba dhawr jeer ku gacan saydhay
ergadda dhexdhexaadinta ah ee guddida Golaha Guurtida ahi, isagoo ka
gaws adaygay in wax waanwaan iyo isu tanaasul ah lagu afjaro
khilaafka taagan, waxaannu xubnaha ergada ah u sheegay inuu door
bidayo sidii isaga iyo Muuse Biixi sharciga ugu kala bixi lahaayeen.
Golaha wasiirrada
Hasayeeshee, Guddoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan Maxamuud Aadan,
ayaa hadana go’aansaday inuu mar kale kelidii la kulmo madaxweyne
Siilaanyo si uu u ogaado mawqifkiisa u dambeeya ee la xidhiidha
khilaafka murrashaxnimada madaxweynaha ee xisbiga KULMIYE dhexdiisa,
iyadoo la sheegay in kulankaas loo ballansanaa xalay, balse, weli
wax xog ah lagama helin in kulankaasi qabsoomay iyo natiijada ka soo
baxday.
Saraakiil sare oo madaxtooyada Somaliland ka tirsan oo Jamhuuriya
khadka telefoonka kula xidhiidhay xalay si arrimahan wax looga
weydiiyo, ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan, isla markaana
xaqiijiyaan ama beeniyaan waxyaabaha lagaga hadlay shirkii Golaha
Wasiirrada ee shalay iyo sidoo kale in madaxweyne Siilaanyo ku
gacansaydhay ergada dhexdhexaadinta ee ay ku hawlan yihiin Golaha
Guurtida.
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isna markii
u horaysay si rasmi ah u qiray shalay in madaxtooyada iyo xukuumaddu
dagaal cad kula jiraan hankiisa siyaasadeed iyo murrashaxnimadiisa,
isla markaana lacag iyo xilal lagu baayacayo dadka taageerayaashiisa
ah.
“Waxaan ogahay in xukuumaddu u tafo-xaydatay oo lacag lagu
baayacayey oo xil lag baayacayey oo hudheellada la gaynaayey oo la
gacmo-maroojinayey, waxaasina waa wax laga xishoodaa, qof is
casilaya isagay jirtaa intii ka badnaydba way joogtaa, kama qabo
kalsooni-darro, laakiin waxaan u arkaa uun wax laga xishoodo inay ku
kacday xukuumaddu weliba madaxtooyadu ay ka badheedhay arrintan,”
ayuu yidhi Md. Muuse Biixi Cabdi oo VOA-da u warramay shalay.
Waxa si cad u muuqda dagaal-siyaasadeed ka dhan ah Guddoomiyaha
KULMIYE iyo xubno ka mid ah hoggaanka sare ee xisbiga oo
guddoomiye-ku-xigeenka 1aad ku jiro oo madaxtooyadu barbar wado
dedaalka dhexdhexaadinta ah ee ergada guurtidu ku doonayso inay ku
afjaraan khilaafka u dhexeeya madaxweyne Siilaanyo iyo Muuse Biixi,
iyadoo hawlaha dhexdhexaadintuna xilligan u muuqdaan qaar soo
afjarmaya, taasoo soo dedejin karta in khilaafkaasi u gudbo dhinaca
sharciga iyo hay’adaha garsoorka ee dalka.
Xigasho:Jamhuuriya
|