Madaxweynaha oo Tacsi u Diray Qoyskii uu Ka Baxay Marxuum Maxamed Cali Guray Sh. Madar

 


Madaxweynaha Somaliland Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu Caawa dhambaal tacsi ah u diray Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay Marxuum Maxamed Cali Guray Sh. Madar oo ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.


Madaxweynuhu, waxa uu ilaahay uga baryay inuu Janadii Fardawsa Ka Waraabiyo Qoyskii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka geeriyoodayna Samir iyo iimaan ka siiyo.

 

 



Alla Mahad leh

Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada Somaliland