Madaxweynaha oo Soo Saaray Digreeto Ku Salaysan Dhaqan Galka Wax-ka-bedelka Xeerka Maamulka Dhulka
Madaxweynuhu markii uu arkay ogolaanshaha Golaha Wasiirada ee wax ka bedelka iyo kaabista xeerka maamulka dhulka , isla markaana isaga oo tix gelinaya go’aankii golaha wakiiladu ay ku ansixiyeen xeerkaasi bishii 20/08/08, kuna saabsanaa xeerka maamulka dhulka magaalooyinka oo uu soo jeediyay Madaxweynuhu , Golaha wakiiladuna anisixiyeen. Madaxweynuhu waxa uu soo saaray digreeto lagu dhaqan gelinayo qodobka 5-aad , 7-aad , 28-aad iyo 29-aad ee xeerka lambarkiisu yahay 17/2001 ee wax ka bedelka kaabista xeerka maamulka dhulka magaalooyinka.
|