TACSI MADAXWEYNE


 


Madaxweynaha JSL, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi Tiiraanyo leh u diray aa Golahayaasha Qaranka Jamhuuriyada Somaliland, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Guud ahaan Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee MARXUUM, AXMED MAXA MED AADAN (QAYBE), oo ku geeriyooday saaka Hargeysa.


Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey oday qaran oo inaga baxay magac iyo taar iikhna ku dhex leh bulshada Somaliland iyo qarankaba, laguna xasuusan doono doorkii uu ka soo qaatay dib u dhiska dalka, isaga oo marxuumku xilkii ugu danbeeyey ee uu qaranka ka s oo qabtayna uu ahaa Gudoomiyaha Golaha wakiilada Somaliland wakhti dheerna ka mid ahaa tiirarka qarankani ku daydo ee halbawlaha u ah.


Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii Janno ka wara abiyo, Golayaasha qaranka Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo guud ahaan shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

 

 

Axmed Saleebaan Dhuxul

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland