Madaxweynuhu, isaga oo tix-raacaya qodobka 90-aad, faqradiisa labaad ee dastuurka Somaliland, isla markaana tix-gelinaya ahmiyada weyn ee Wasaaradaha Arrimaha Dibada iyo Hawlaha Guud iyo Guryayntu u leeyihiin Dhismaha Qaranka , waxa uu u magacaabay Axmed Aadan Ismaaciil “Kayse” oo hore u ahaan jiray Agaasimaha guud ee Wasaarada Arrimaha Gudaha in uu noqdo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibada.


Madaxweynuhu, waxa kale oo uu u magacaabay Mudane Maxamed Aw-Cabdi Sheekh (Xirsi) in uu noqdo Wasiirul dawlaha Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta.


Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, isaga oo ku qanacsan kartida , Aqoonta iyo Hufnaanta shaqo ee labadaasi Masuul, waxa uu faray laga bilaabo taariikhda Maanta in ay sida ugu dhakhsaha badan ula wareegaan xilka cusub ee loo igmaday.


 

 


Alla Mahad leh
Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada,