Madaxweynaha oo Kulan La Yeeshay Wefdi Ka Socda Deeqbixiyayaasha Caalamiga ah ee Dorashoyinka

 


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin, waxa uu maanta qasriga Madaxtooyada Kulan kula yeeshay Wefdigii ka socday deeq-bixiyayaasha caalamiga ah ee loo xil saaray qabsoomida doorashooyinka fooda inagu soo haya.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin oo hadal kooban u jeediyay wefdiga, waxa uu ugu mahad naqay socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland iyo sida ay isaga xil saareen hawlaha geedi socodka nidaamka dimuqraadiga ah ee Somaliland ka hana qaaday , kuwaasi oo ay ka mid yihiin sidii ay dalka uga qabsoomi lahaayeen doorashooyin xor ah oo xalaal ah.
Madaxweynuhu, waxa uu wefdiga u sheegay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay doorashooyinka Madaxtooyada in ay qabsoomaan mar alle marka ay si wada jir ah go’aan uga soo saaraan Guddida Doorashooyinka Qaranka , taasi oo dabadeedna la marin doono hay’adaha kale ee ay khusayso oo ay ka mid yihiin Guurtida iyo Asxaabta Qaranka.


Madaxweynuhu waxa uu sheegay in shacbiga reer Somaliland ay diyaar u yihiin in ay si nabad gelyo ah codkooda uga dhiibtaan doorashooyinka soo socda, sidii kuwii horeba ay u guteen. Waxa kale oo uu Madaxweynuhu yidhi “Waxaanu mar walba diyaar u nahay in aanu kala shaqayno Guddida Doorashooyinka, Hay’adda Interpeace iyo Asxaabta Qarankaba sidii ay dalka uga qabsoomi lahaayeen doorashooyinku”.

Mr Richard Hans oo hogaaminayay wefdiga deeq bixiyayaasha doorashooyinka oo isna hadal kooban halkaasi ka jeediyay waxa uu ugu mahad naqay Madaxweynaha, Xukuumada iyo shacbigaba sida diiran ee loo soo dhaweeyo mar kasta oo ay dalka yimaadaan, waxaanu intaa raaciyay in deeq bixiyayaashu ay diyaar u yihiin dhaqaalihii ku bixi lahaa doorashooyinka fooda inagu soo haya, iyada oo hadda la sugayo in la xaliyo qalabkii loogu tallo galay kala sifaynta codbixiyayaasha, taasi oo la filayo in si dhakhso ah u soo dhamaan doonto, ka dibna lagu dhawaaqi doono wakhtiga kama dambaysta ah ee doorashada.

Mr Hans waxa uu shacbiga reer Somaliland ku hambalyeeyay sida mar walba ay ugu heelan yihiin in doorasho nabad gelyo iyo xasilooni ku dhacda dalkooda ay ka qabsoomaan, isaga oo si weyna ugu rajo weyn in marka la isku duba rido hawlaha ay guddida doorashooyinka iyo cida ay khusaysaaba ay ku dhawaaqi doonaan wakhtiga doorashada.
 


Alla Mahad leh
 


Siciid Cadaani Mooge

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL