Madaxweynaha oo casho sharaf u Sameeyay Wefdi Ka Socda Dawlada Faransiiska

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa uu caawa Casho sharaf Qasriga Madaxtooyada ugu sameeyay Wefdi balaadhan oo ka socda dalka Faransiiska.


Wefdigaasi oo uu hogaaminayo u qaybsanaha xidhiidhka Geeska Afrika ee labada Gole ee Faransiiska Mudane Louis Duvernois, waxa ay socdaalka ay ku yimaadeen Somaliland ku marti qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland markii isaga iyo wefdiga uu hogaaminayay ay socdaalka ku tageen dalka Faransiiska Bishii September 2008.

Wefdigaasi oo uu ka mid yahay Safiirka Dawlada Faransiiska u fadhiya Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Dominique Decherf, waxa Madaxweynuhu uu uga waramay marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland ay soo martay tan iyo intii ay qaranimadeed akala soo noqotay wadankii la isku odhan jiray Soomaaliya 1991-kii.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu si qoto dheer u tibaaxay sida Somaliland ay iyadu isugu tashatay, iyadoo wax kaalmo ah aan caalamka intiisa kale aan ka helin, waxa kale oo uu soo qaaday Madaxweynuhu in uu ka mid yahay horumarka ay Somaliland gaadhay Nabad gelyada iyo geedi socodka dimuqraadiyada, kuwaasi oo ay ka mid yihiin doorashooyinkii is-daba jooga ahaa ee dalka ka qabsoomay.

Mudane Daahir Rayaale Kaahin waxa kale oo uu sheegay in dalkiisu ku faraxsan yahay socdaalka wefdigan Faransiiska ay ku yimaadeen Somaliland, kaas oo wax weyn ka tari doona isu soo dhawaanshaha iyo xidhiidhka saaxiibtinimo ee Somaliland iyo Faransiiska.

Gabo gabadii Madaxweynuhu waxa uu carabka ku dhuftay in xukuumadiisu ay diyaar u tahay dhamaystirka dimuqraadiyada, iyada oo sida laga warqabo dalka ku soo fool leeyihiin doorashooyin, kuwaasi oo aanu si weyn ugu rajo weynahay ayuu yidhi Madaxweynuhu in ay u qabsoomaan si xor oo xalaal ah.

Mudane Louis Duvernois oo isaguna halkaasi hadal kooban ka jeediyay waxa uu sheegay in isaga iyo wefdigiisuba ay aad ugu faraxsan yihiin soo dhawaynta fiican ee ay ka heleen Somaliland shacbi iyo xukuumadba, waxa kale oo uu sheegay in dalka Faransiisku diyaar u yahay in uu xidhiidh fiican la yeesho Somaliland , kana taageero mashaariicda horumarka ah ee Somaliland u baahan tahay. Mr Louis waxa kale oo uu tibaaxay in Faransiisku ay ka furi doonaan Magaalada Hargeysa xarun lagu soo bandhigo arrimaha Hidaha iyo Dhaqanka ee dalka Faransiiska.

Waxa kale oo wefdiga ka mid ahaa Xildhibaan ka tirsan Golaha Baarlamaanka Faransiiska oo metela Jaaliyadaha dibada ku nool ee Faransiiska iyo Mudane Cali Ismaaciil Xasan oo ah Ku-xigeenka Wakiilka Somaliland u fadhiya Faransiiska.



Casho sharaftaasi waxa kale oo ka soo qayb galay Wasiirada Arrimaha Dibada, Maaliyada, Arrimaha Gudaha, Macdanta iyo Biyaha, Dalxiiska, Wasiir ku xigeenada Arrimaha Dibada iyo Qorshaynta Qaranka



Alla Mahad leh



Siciid Cadaani Mooge
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL