M/weynaha oo amar ka soo saaray in Wax ka qabash adda Cabashada Beelaha la-hayb sooco




Hargaysa (TNN):- La-taliyaha Madaxweynaha Somaliland ee dadka la hayb-sooco Md Barkhad Jaamac Xirsi, ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Siilaanyo amar ku bixiyay in hay’adaha amniga u xil saaran ay wax ka qabtaan cabashooyin ka soo yeedhay bulsha da la hayb-sooco ee deggan degmada Gacan Libaax ee magaalada Hargeysa.

Md Barkhad Jaamac Xirsi oo shalay warbaahinta la hadlay, waxa uu sheegay in amarka madaxweynuhu ku yimi ka dib markii ay kulan yeesheen madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Salaadiin ka soo jeeda Bulshada la hayb-sooco, isla markaana ay halkaas ugu soo bandhigeen waxyaabo ay ka cabanayaan.

Barkhad Jaamac Xirsi oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi, “Salaadiin iyo Waxgara d ka soo jeedda beelaha la hayb-sooco ayaa qasriga madxtooyada shalay madaxweynu hu ku qaabilay, cabashoodiina way u gudbiyeen, madaxweynaha dareen damqasho leh ayuu ka bixinayaa, tallaabada la qaaday. Hadday bahda garsoorka tahay xukuumadda way ka madaxbanaan tahay, haddii ay tahay dhinaca amniga salaadiinta hortooda ayay madaxtooyada amar ku siisay in dadkaasi waxay tirsanayaan wax laga qabto, si fiican na xukuumaddu way ugu dadaal-gashay.”

Barkhad Jaamac Xirsi waxa kale oo uu tilmaamay in madaxweyne Siilaanyo yahay hogg aamiye danaynaya sidii Bulshada laga tirada badan yahay u heli lahaayeen Xuquuqda ay kala siman yihiin bulsho-weynta kale ee Somaliland, waxaanu soo qaatay khudbad madaxweynuhu ka jeediyey baarlamaanka, waxaanu yidhi, “Khudbadii dambaysay ee madaxweyne Axmed Siilaanyo ka hor aakhriyay baarlamaanka wuxuu si adag uga hadl ay dadkaasi inay ka maqan yihiin siyaasada dalka, sharafna Somaliland u tahay in gole yaasha qaranka ka muuqdaan.”
 


Cumar Maxamed Faarax
Hargeysa,Somaliland