Madaxweynaha Oo Abaal-mariyay Ardaydii ku guulaystay Tartankii Xifdiga Qur’aanka

 


Hargaysa (TNN):- Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shahaadooyin iyo abaal-marino kala duwan gudoonsiiyay ardaydii kaal maha hore ka gashay tartanka xifdiga Qur’aanka Kariimka ah ee bisha Ramadaan oo mud do todobaad ah ka socday masjidka Cali Mataan ee magaaladda Hargaysa.

Tartankaasi oo ay soo qaban qaabisaywasaaradda Diinta iyo Awqaafta, ayaa intii uu soc day waxaa ka qayb qaatay arday ka kala socday lixda gobol ee ugu waaweyn dalka, iyad a oo tartankaasi la soo gabagabeeyay Salaasadii doaraad, isla markaana shalay xafladdii lagu soo gunaanaday abaalmiranahana ardayda lagu gudoonsiiyay lagu qabtay xarunta madaxtooyadda.

Munaasibad loo sameeyay gunaanadka tartankaasi xifdiga Qur’aanka kariimka ah oo san ad kasta bisha Ramadaan la qabto ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxweynaha Jamhu uriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (siilaany), wasiiradda wasaaradaha madaxtooyadda, Diinta iyo Awqaafta, culimaddii ka gar-naqaysay tartankaasi, waalidiin iyo ardaydii tartankaasi ka qayb galay. Waxa kale oo munaasibadaasi ka soo qayb galay agaasimaha guud ee wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta iyo agaasima ha TV-ga qaranka iyo marti sharaf kale.
Waana markii labaad oo tartan noocaasi oo kale madaxweynaha Somaliland uu abaal mari no iyo jaa’isado gudoonsiiyo ardayda kaalmaha hore ka gashay tartanka xifdiga Qur’aa nka Kariimka, iyada oo la bilaabay sanadkii hore kaasi oo ahaa mid fikirikiisa uu lahaa mad axweyne Siilaanyo, isla markaana ay soo qaban qaabiso wasaaradda Diinta iyo Awqaafta.
ardayda quraanka kariimka ah


Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay, ayaa hambalyo u jeediyay dhamaanba ardaydii tartankaasi ka qayb galay gaar ahaana kuwa kaalmaha hore galay iyo sidoo kale ardaydii sanadkii hore ka qayb galay tartankaasi. Sidoo kale waxa uu madaxweyne Siilaanyo mahad naq balaadhan u jeediyay macalimiintii ka gar-naqayay iyo culimadii ka qayb qaatay intii uu tartankaasi socday.


Isaga oo arrintaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Farxad weyn ayay inoo tahay dhamaanteenba in aynu halkan tartanka Qiraa’adda Qur’aanka Kariimka ah dhalinyaradda aynu ugu qabano, taasi oo hore inoogu soo bilaabantay mudana inoo socotay, isla markaana aynu sii wadi doono Insha allaahu tacaalaa, waxaan jecelahay in aan halkan hambalyo aad u balaadhan uga soo jeediyo dhalinyaradda ku guulaysatay, kuwii hore ugu guulaystay iyo kuwa imika ku guulaystayba iyo sidoo kale macalimiinta iyo culimadda ka qayb qaatayba in aan iyagana halkan mahad naq aad u balaadhan uga soo jeediyo”.
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil C/laahi Axmed oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa sheegay in madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Siilaanyo uu isagu jideeyay sanadkii hore in ardayda ka qatb gala tartanka xifdiga Qur’aanka Kariimka ee bisha Ramadaan gaar ahaana kuwa kaalmaha hore gala in abaal marino lagu gudoonsiiyo xarunta madaxtooyadda.


Wasiirka ayaa madaxweynaha uga mahad naqay barnaamijkani oo isagu hormood ka ahaa, waxaanu Illaahay uga baryay in uu ku barakeeyo maamulka uu hogaamiyo, isla markaana uu cadaaladda ku waafajiyo. Waxaanu yidhi “Waxaa inoo farxad ah dhamaanteenba inaga oo Sooman in aynu isugu nimaadno munaasibadan qaaliga ah, maalin kasta oo ay bisha Ramadaan tahay sideed sanad kasta waxa uu madaxweynuhu inoo jideeyay Illaahay haka abaaliyee, in aynu xarunta madaxtooyadda ku gudoonsiino dhalinyaradeena iyo ardaydeena Qur’aanka xifdidda Jaa’isadda uu inoo bilaabay sanadkii hore madaxweynaha qaranka jamhuuriyadda Somaliland, jaa’isadaasi oo ah mid aad iyo aad u qiimo badan oo aan wakhtiyadii hore dalka laga bixin jirin. Sanadkii labaad ayay maanta inoo maraysaa oo aynu caawa xafladadeedii halkan xarunta madaxtooyadda ku qabanaynaa oo aynu u joognaa. Waxaanu madaxweynaha uga mahad celinaynaa aniga oo ku hadlaya afka culimadda barnaamijkaasi uu isagu horseedka u ahaa, ee uu Illaahay (SWT) ku ilhaamiyay, waxaanan Illaahay uga baryaynaa in maamulka uu hogaaminayo iyo dawladnimadiisana ku barakeeyo, cadaalad-na ku waafajiyo”.

Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, waxa kale oo uu sheegay in siyaasadda xisbiga taladda haya ee Kulmiye ay ka mid ahayd guud ahaanba horumarinta dalka gaar ahaana arrimaha diinta, sidaas darteedna madaxweynuhu isaga oo taasi ka duulaya uu amar ku bixiyay in la sameeyo idaacadda qur’aanka Kariimka ee Radio Hargaysa oo uu madaxweynuhu furay sanadkii hore isla markaana imika laga dhegaysto dhamaanba goboladda dalka.
“Waxaa xusid mudan in xisbiga Kulmiye ay siyaasadiisa ka mid ahayd horumarinta dalka gaar ahaana arrimaha diinta, madaxweynuhuna isaga oo taasi ka duulaya waxa uu amray in la sameeyo idaacadda Qur’aanka Kariimka ah ee radio Hargaysa, taasi oo iyadna maanta laba jirsatay, Rabadaantan aynu ku jirno rabadaanteedii ayuu madaxweynuhu furay, iyada oo maanta dhamaanba goboladda dalka laga wada dhegaysto. Maadaama oo aynu nahay umad Muslim ah waxaa wax Illaahay lagu mahadiyo ah, soodhawaynta iyo karaamaynta aynu qur’aanka karaamaynayno, intaasi iyo in ka sii badan ayaa Illlaahay SWT ina karaamayn doonaa” ayuu yidhi Wasiirka Diinta iyo Awqaafta.

Wasiirka madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan oo isna hadal ka jeediyay xafladaasi ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay in ardaydii ka qayb galay tartanka xifdiga Qur’aanka Kariimka ah la gudoonsiiyo abaalmarino iyo jaa’isado, waxaanu sheegay in arrimahaasi ay yihiin kuwo lagu dhiiri gelinayo ardayda dhalinyaradda ah ee ka qayb galay balse abaal marin iyo ajar intaasi ka weyn ay Illaahay agtiisa kaga helayaan. Waxaanu yidhi “Runtii farxad weyn ayay inoo tahay waana maalin qaali ah iyada oo lagu abaalmarinayo dhalinyaradii Xufaadda ahayd ee ka qayb galay tartanka Qur’aanka Kariimka ah, illaahay (SWT) ayaa abaal gud leh, abaal gudka ay Illaahay agtiisa ka helayaan ayaa ka weyn. Laakiin waxaynu xusaynaa oo aynu dhiiri gelinaynaa barnaamijka uu madaxweynuhu bilaabay oo sanad walba la sameeyo, waxaana aynu dhiiri gelinayaa dadka Qur’aanka xifdiyay, taasi oo aanu idinku soo dhaweynayno madaxtooyadda iyaga iyo macalimiintii wax u soo dhigay ee tababaray, waalidiintii dhalay iyo intii gacan ka gaysatayba. Waxaanan leenahay Illaahay ha idinka jisaa’i siiyo, waanan idin soo dhawaynaynaa”.
Wasiir Xirsi, ayaa intaasi raaciyay in ay sharaf iyo karaamo u tahay xukuumada iyo dhamaanba qaybaha kala duwan ee shacabka Somaliland in kitaabka Qur’aanka Kariimka ah la sharfo oo la weyneeyo, isla markaana la dhiiri geliyo barashadiisa iyo ilaalintiisaba.
Waxaanu wasiirku mahad naq balaadhan u jeediyay culimaddii, macalimiintii iyo cid kasta oo ka qayb qaadatay intii uu socday barnaamijkaasi gaar ahaana wasaaradda Diinta iyo awqaafta iyo Sheekh Maxamed Aadan oo hormood u ahaa culimadda.


“Sharaf iyo karaamo ayay dhamaanteenba inoo tahay Kitaabka Qur’aanka Kariimka ah la sharfo, oo la weyneeyo, oo la dhiiri geliyo barashadiisa iyo ilaalintiisaba, aad iyo aad ayaanan ugu mahad celinaynaa intii ka shaqaysay oo ay ugu horeeyaan Sheekh Maxamed Aadan iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, aad iyo aad ayay u mahad san yihiin, waxaanan leenahay illaahay ha idinka Jisaa’I siiyo” ayuu yidhi Wasiir Xirsi.
Dhinaca kale waxaa isna xafladaasi hadal ka jeediyay Sheikh Maxamed Aadan, oo ku hadlayay afka Guddoomiyaha gudidii qaban-qaabadda ee tartankan Qur’aanka Kariimka ah iyo culimaddii Gar-soorka ka ahayd tartankaasi ayaa mahad naqa balaadhan dhamaanba wasaaraddihii iyo culimaddii ka qayb qaatay qaban qaabadda iyo hirgelinta tartankaasi.


Waxaanu sheegay Sheekh Maxamed Aadan barnaamijkaasi uu yahay mid ay magaciisa leedahay dawladdu, isla markaana uu yahay mid aad u qiimo badan. Sheikh Maxamed Aadan isaga oo arrimahaasi ka hadlayayn waxa uu yidhi “Waxa aynaan runtii ilaawi Karin dhamaanba madaxdii iyo masuuliyiintii nagala shaqeeyay hawshani, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Wasaaradda Diinta oo iyadu tartankan soo qaban-qaabisay, barnaamijkanina waa barnaamijkii dawladda, waa tartankii Qur’aanka Kariimka ah, wasaaradda labaad ee aanu aadka ugu mahad naqaynaa waa Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta, oo iyadna runtii dedaal aad u badan gelisay barnaamijkani, oo runtii in loo mahad naqo mutaysatay”.
Tartankaasi oo intii uu socday ay ka qayb galeen arday ka kala socday lixda gobol ee ugu waaweyn dalka, ayaa lagu tartamay xifdiga Qur’aanka Kariimka ah sodonka Jis, labaatan Jis, shan iyo toban Jis, toban Jis iyo ilaa shan Jis.

Ardayga kaalinta koowaad galay oo magaciisa la yidhaahdo C/laahi Maxamed Cali, oo ka socday gobolka Maroodijeex gaar ahaana caasimadda Hargaysa, ayaa isagu waxa uu helay baabuur noociisu yahay Noah iyo lacag.
Kaalinta labaad waxaa galay Shucayb Maxamed C/laahi oo isagu ahaa ardaygii ugu da’dda yaraa ee tartankaasi ka qayb galay kana socday gobolka Sool gaar ahaana magaaladda Laascaanood, waxaanu helay Kombuyuutar Laabtob ah iyo lacag dhan $1300 Dollar.


Kaalinta saddexaadna waxaa galay ardayga magaciisa la yidhaahdo C/raxmaan Maxamed Jaamac, oo ka socday gobolka Togdheer gaar ahaana magaallo madaxdiisa Burco, waxaanu helay lacag dhan $1000 Dollar iyo Mobile-ka gacanta.
Kaalinta afraadna waxaa galay ardayga magaciisa la yidhaahdo Jamaal C/naasir Xuseen, oo ka socday Hargaysa, isna waxa uu helay lacag dhan $700 Dollar iyo Kitaab qur’aan ah.
Sidoo kale kale madaxweynaha Somaliland ayaa isna halkaasi waxaa lagu gudoonsiiyay Kitaab qur’aan ah, kaasi oo ay madaxweynaha ku sharfeen Culimaddii barnaamijkaasi waday iyo Wasiirka Diinta iyo Awqaafta madaama oo madaxweynuhu uu isagu lahaa fikirka ah in ardayda barnaamijkaasi ka qayb qaata uu isagu abaal marinaha gudoonsiiyo.
 



Cumar M. Faarax
Hargeysa,Somaliland