Madaxweynaha Koonfurta Suudaan oo  warqad U soo diray Madaxweynaha Somaliland


 



Juba,Koonfur Sudan (TNN)- Waxaan mudane madaxweyne, ku faraxsanahay in aan kugu wargeliyo in 9 July 2011 ay tahay maalin  ta ariikhi u ah dad ka Koonfurta Suudaan. Tan oo soo afjartay muddadii ku-meel-gaadhka ahayd iy o heshiiskii isfamahka ahaa ee Suud aan (CPA) ee Su udaan u riixay siyaasadda tixgelinta mudan. Waa maalin uu dhalanayo dalkii 54aad ee xubinta ka noqda Midawga Af rika oo calankiisa sare loogu taaggo si guul ah, kadib markii aannu ka soo baxnay dagaalkii sokeeye ee ugu mudada dheeraa Afri ka, Koonfurta Suuda ana waxay hadda gelaysaa waa cusub oo u baryey oo ah nabadgelyo joogto ah, dimuqraadiyad iyo qaranimo mas uuliyadi ku dheeha n tahay.

Sidaa darteed, aniga oo ku hadlaya magaca dadka iyo dawladda Koonfurta Suudaan iyo weliba mag  cayga gaarka ah, waxa farxad ii ah in aan kaa codsado inaad mudane si qadarin leh shacabkayaga ugala soo qaybgasho munaasibadan qiimaha leh. Shacbiga Koonfu rta Suudaan waxay si qotodheer oo qadarin mudan mudane uga dhursugayaan dedaalka aan kala go’a lahayn ee shacbiga iyo dawla dda Somaliland ee suurtogeliyey inay timaado munaasibadda maalintani.

Fadlan, madaxweynihii walaalkay ahaayoow iga aqbal damaannada iyo tixgelintayda ugu saraysa, waxaanan aad uga dhursuguyaa joogitaankaaga muhiimka ah ee caasimadda wadanka Koonfurta ee Juba.” Ayuu madaxweynaha Koonfurta Suudaan ku yidhi qoraal ka martiqaadka ah ee uu u soo diray madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).