madaxweynaha jsl oo hargeysa socod ku soo dhex maray

 



Hargeysa (TNN)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caa wa ka yaabiyay dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa ka dib markii uu isagoo kaligii ah bo oqday qaar ka mid ah meheradaha laga cunteeyo iyo kuwa laga dukaansado ee qeybo ka mid ah magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo oo saarnaa baabuur yar oo Grande ah isla markaa na aan wadan wax ilaalo ah ayaa booqday dukaanka weyn ee ku yaala galbeedka Magaalada halka asi oo uu galay gudaha isla markaana uu salaamay dadkii meherada ku sugnaa ka dibna uu baayac ay qaar ka mid ah badeecadihii dukaanka yaalay, taasina ay sababtay in dadkii dukaankaasi ku su gnaa ay si weyn ugu naxeen uguna farxeen Madaxweynaha oo kaligii inta uu gaadhi ka soo degay xili habeen ah dadka iska dhex socda.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu soo maray Dukaanka weyn ee Hargeisa Business Center ee ku ya ala xaafada Xero-awr ee degmada Ibraahim Koodbuur ee magaalada Hargeysa waxaana markii uu meheradaasi galay ee uu salaamay dadkii wax ka iibsanayay iyo kuwii meherada hayayba ay dadkii ku firkanaxeen madaxweynaha waxaanay kala hororsadeen salaantiisa iyagoo u gacan qaadeen mid mid.

Dadweynihii halkaasi joogay waxay Madaxweynaha ku ammaaneen inuu kaligii si kalsooni leh u dh ex socdo bulshadiisa si uu u indhihiisa ugu arko xaalada Nabadgelyo ee caasimada Hargeysa isla markaana u darso xaalada nololeed ee bulshada.

Madaxweynuhu waxa kale oo uu galay Muqaaxi dadka danyarta ahi ku cunteeyaan oo ku taalla x aafada xero-awr ee magaalada Hargeysa waxaanu halkaasi si

 

eyn ugu qaabilay dadkii halkaasi ku sugnaa oo ay fajiciso ku noqotay Madaxweynaha oo kaligii kadinka uga soo galay. Waxaanay ku bogaadiyeen tallaabadan uu qaaday oo ay ku doodeen inay ka taageerayso sidii uu indhihiisa ugu arki lahaa xaalada nololeed ee qeybaha kala duwan ee bulshada.

Intaasi ka dib waxa uu ku soo laabtay xarunta madaxtooyada waxaanu gaadhigii yaraa kaligii kaga dagay meherad shaah oo ka soo horjeeda Madaxtooyada waxaanu mid mid ugu gacan qaaday dhal inyaro meherada fadhiday oo Madaxweynaha uga mahad celiyay booqashada uu ku soo maray me heradaasi iyo qeybo ka mid ah magaalada Hargeysa. Waxaanu socod ku galay madaxtooyada isa goo dadweynaha hor marayayna salaamayay.

Waa Madaxweynihii u horreeyay ee xili habeenimo ah isagoo aan wadan wax ilaalo ah gaadhi yar ku dhex mara caasimada Hargeysa.

Source;:SL Media