Madaxweynaha JSL Md.Daahir Rayaale Kaahin oo saa ka shir jaraaid ku qabtay Qasriga Madaxtooyada

 

Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka digay in Somaliland la dhilo oo ay fool xumaato sida ay noqoto marka basasha la dhilo oo kale. Madaxweyne Rayaale shir jaraa'id oo uu saaka ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa....

Hargeysa (Longlivesomaliland News)-Raga doonaya in ay Somaliland sida basasha u dhilaan waxaan leeyahay kad aaya oo caqliga kashaqaysiiya, Wax aynu wada hadal kudhamayn karno maaha in aynu wadankeena sumcad xumo ugusoo jiidno, shacabkana waxaan leeyahay siyaasiyiintu xaq idiinkuma laha inay idin dagaal galiyaane, waxay xag idiinku leeyihiin inay codkiina idin waydiistaan oo kaliya". ayuu yidhi madaxweyne Rayaale oo saaka shirjaraaid qabtey.

Madaxweynaha Somaliland, Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa ka digay in Somaliland la dhilo oo ay fool xumaato sida ay noqoto marka basasha la dhilo oo kale. Madaxw eyne Rayaale shir jaraa'id oo uu saaka ku qabtay xafiiskiisa Hargeysa waxa uu baaq ugu diray shacabka Somaliland, shir-guddoonka Golaha wakiilada iyo xisbiyada mucaaradka.


Sidoo kale, waxa uu nasiib darro ku tilmaamay dhacdadii shalay ka dhacday  magaal ada Hargeysa ee ay labada ruux ku geeriyoodeen, dhawr iyo tobanka kalena ku  dh aawacmeen. "Wixii shalay dhacay waxay ahaayeen nasiib darro aan loo baahnayn" ayuu yidhi madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, waxaanu intaas raaciyay  "Shacab yo how, xisbiyadu waxay xaq idiinku leeyihiin inaad cod siisaan, laakiin xaq idiinkuma laha in aad u dagaalantaan. Waxaynu u dagaalami karnaa oo kaliya difaaca  qarani m ada. Wax kasta oo kala tafaraaruqinaya shacabku waa in aanay maqlin ee ay  wa da jirkooda adkaystaan. Halaga digtoonaado in Somaliland loo miiq siibo sida basasha. Basashu intaan la dhilin way qurux badantahay, markase diirka laga  qaa do way fool xumaataa."

Madaxweyne Rayaale waxa uu dhacdadii shalay ku eedeeyay shirguddoonka  Gola ha Wakiilada, isaga oo xusay in ay xisbiyada mucaaradku qirteen in ay ka  dambee yeen rabshadahaas. "Shirguddoonka ayaa dadka ku dhiirinayay inay dhintaan." Ayuu yidhi.

Waxa uu madaxweynuhu ku baaqay in khilaaf kasta oo taagan lagu xalliyo wada hadal "Waxaan leeyahay caqligu ha shaqeeyo, shir-guddoonkana albaabadaydu kama xidhna ee mar kasta way u furan yihiin. Khilaaf kasta waxaan diyaar u ahay in aynu miiska wada hadalka isugu nimaadno, mucaaradka waxaan leeyahay waa inaan shuruud la'aan isugu nimaadnaa dan ayaa inaga dhaxaysee."

Madaxweyne Rayaale, waxa uu sheegay inay xukuumadiisu diyaar u tahay  doora sho la qabto, "Xukuumadu waa u diyaar doorasho mar kasta. Dib u dhaca  doorash ada duruufaa keenay ee anigu ma keenin." Ayuu yidhi Rayaale. Waxa uu Ray aale , shacabka kula dardaarmay inaanay lumin nabadgelyada Somaliland, "Sida wax loo dhisaa way adagtahay, laakiin sida loo dumiyaa way hawlyartahay, dedaalkan waxaynu soo dhisaynay 19 sannadood." Ayuu yidhi.


Ugu dambayn, waxa uu yidhi , ""Yaan nina laga dhagaysan fitno, ana yaan layga dhagaysan, nin kalena yaan laga dhagaysan." Ayuu yidhi Madaxweyne Rayaale, oo sidoo kale ayaan darro ku tilmaamay koox boolis ah oo uu sheegay in bamboo iyo baastooladu lagu weeraray.

 


Mustafe Future
Longlivesomaliland News Reporter
Hargeisa