Madaxweynaha Somaliland 0o qaabilay Diblomaasiyiin ka socday Dalalka Midowga Yurub iyo UK oo Dalka u yimi indho indhaynta Doorashooyinka
 


Hargeysa (TNN):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudune Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta qaabilay safiirro iyo diblomaasiyiin ka socda midowga reer Yurub iyo dalka UK oo Somaliland u yimi indho indhaynta door ashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee maalintii shalay qabsoomay.

Ugu horrayn madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xubnaha weftiga u ga mahadnaqay imaanshiyahooda Somaliland iyo muhiimadda ay siiyeen inay kormeeraan doorashooyinka qof iyo codka ah ee ay shacabka Somaliland ku soo dooranayeen goleyaashii meteli lahaa, waxana uu tilmaamay in ay Somaliland tahay dal ay si buuxda uga hanaqaadday Dimuqraaddiyaddu.

Madaxweynuhu waxa uu xubnaha Safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira u caddeeyey inay Jamhuuriyadda So maliland ka go’an tahay inay sii waddo isku filnaanshaha, jidka Dimuqraaddiyadda iyo horumarka, si loo xaqiijiyo hammiga shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu weftiga u sheegay in shacabka Somaliland yihiin shacab bislaaday oo dhawraya nabaddooda iyo deggenaanshaha qarankooda, islamarkaana ay taasi ka muuqatay hannaankii naba d gelyada lahaa ee ay codkooda ku dhiibteen iyo sidii lexejeclada lahayd ee ay u weeleeyeen dardaaranadii ka la duwanaa ee uga soo yeedhayey madaxdooda maalmihii doorashada ka horraysay.

Sidoo kale, madaxweynuhu waxa uu u sheegay xubnaha ka socday dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub iyo UK in Jamhuuriyadda Somaliland ay madax-bannaanayd in ka badan muddadii ay Soomaaliya midnimadu ka dhax aysay, waxaanu madaxweynuhu xusay sidii uu horeba dunida uu uga sheegay shirkii wada hadalada ee Jabuuti in aanay Somaliland marnaba ka suurageli karin inay dib ugu laabato midnimadii guul-darraysatay ee ay shaca bka Somaliland ku hungoobeen 1960-kii.

Madaxweynuhu waxa uu u mahadnaqay shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee muujiyey bisaylka iyo waayo ar agnimada ay u leeyihiin doorashooyinka qof iyo codka ah ee caalamku inagu majeerto, hay’adaha amniga oo xil weyn iska saaray in doorashooyinkii shalay inoogu qabsoomaan qaab nabadgelyo ah, sidoo kale waxa uu mada xweynuhu u mahadnaqay xisbiyada Qaranka oo kaalin muhiima ka qaatay in ay inoo dhacdo Doorashooyinkii wa kiillada iyo deegaanku, waxa kale oo madaxweynuhu mahadnaq ballaadhan u diray Komishanka Doorashooyinka Qaranka oo kaalin lama illaawaan ah ka qaatay in dalka ay ka qabsoonto laba doorasho oo is-barkan.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu u mahadnaqay goobjoogayaashii caalamiga, diblomaasiyiinta iyo safiirada, saxaafadda maxaliga ah iyo ta caalamiga ah sidii quruxda badanyd ee ay uga qayb qaateen doorashooyinka is-barkan.

Dhinaca Safiirada iyo diblumaasiyiinta oo dhammaantood hadlay ayaa bogaadiyey nidaamkii loo agaasimay doo rashooyinka ka qabsoomay Jamhuuuriyadda Somaliland guud ahaan iyo bisaylka dulqaadka siyaasadeed ee ka muuqday shacbiga Somaliland ee u dareeray doorashooyinka inay indhahooda ku soo arkeen shacbi kala duwa n oo rag iyo haween leh, xisbiyo kala geddisanna taageersan oo safaf dhaadheer ugu jira in qof walba codkiisa si nabadgelyo ah u dhiibtaan, iyadoo aanay saamaynayn xisbiga qofku uu yahay.

Kulanka waxa Madaxweynaha ku wehelinaayey wasiirka arrimaha gudaha, wasiir ku xigeenka arrimaha dibeda iyo iskaagashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka iyo taliyeyaasha ciidamada Militeriga, Booliiska, Asluub ta iyo Sirdoonka.

Xubnaha safiirrada iyo Diblomaasiyiinta isugu jira ee uu madaxweynuhu qaabilay, ayaa waxa kamid ahaa:-

Safiirka Denmark Ambassador Ole Thonke, Safiirka waddanka Finland Ambassador Erik Lundberg, Safiirka Swed en Ambassador Valentin Zellweger , Ku-xigeenka safaaradda Talyaaniga, Mr. Massimiliano Bertollo, Ku-xigeenka safiirka safaaradda Norway Mr. Stian Christensen, madaxa xafiiska safaaradda Ingiriiska ee Somaliland Mr. Stu art Brown, Johan Svensson oo ka socda safaaradda dalka Sweden, Oliver Unverdonben oo ka socda safaarad da dalka Germany, Josefine Jensen oo ka socda safaaradda dalka Denmark iyo Tomas Kirchener oo ka socda xubnaha ku bahoobay midowga Yurub.

 



ALLAA MAHAD LEH

Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.