BAAQ MADAXWEYNE
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,MuseBiixi Cabdi,oo baaq
nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay
Ceelka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun oo dhacda waqooyi barri ee
gobolka Sool.
Dagaalkaas oo ka kacay Ceel-biyoodka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun,
wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah,
sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka
waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba
galabsan iyo aakhiradooda, iyadoo weli ba lagu jiro bishii
barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka,
waayeelka, culimada iyo aqo onyahanka labada dhinac ee dirirtu
dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, dhexdana u
xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka
beelaha walaalaha ah oo dhawaan uun mud do dheer ka dib heshiis ku
gaadhay degaanka Adhi-cadeeye oo ay xubno ka mida golaha wasiiradu
bilo u f adhiyeen sidii heshiis loo gaadhi lahaa, balse nasiib daro
ay labadii beelood dib ugu dirireen ceel-biyood sha lay.
Sideedaba colaad wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, madaxweynuhu
wuxuu si adag u tilmaamayaa in a an loo dulqaadan Karin colaad
sokeeye oo sidan u khasaare badan inay ku soo noq-noqoto deegaamada
go bolka Sool,
Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka, maamulka gobolka iyo
dhammaanba hay’adaha kala duwan ee xukuumadda amrayaa inay tallaabo
dawladnimo ka qaadaan colaadaasi soo noq-noqotay, cid kasta oo u ho
ggaansami-wayda nabadda iyo samahana tallaabo ku habboon ka qaadaan.
Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee
nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysataan
daminta colaadaasi iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata dirirtaa.
Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku
naf waayey dagaalkaasi, waxaan u u ducaynayaa intii ku dhaawacan
tahay in Alle caafimaad ka siiyo waxyeelada ka soo gaadhay
dagaalkaasi.
ALLAA MAHAD LEH
Xafiiska Warbaahinta Madaxtooyada JSL.
|